Shir Lagu Dersayo Teyenta Waxbarashada oo ka Furmay Boorame

0
860

Boorame ,(HargeisaPress) —Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa magaalada Boorame kaga qayb galay shir ballaadhan oo Guddomiyeyaasha Waxbarashada ee Gobollada dalku iskugu yimaadeen, kaasi oo ku saabsan tayeynta waxbarashada.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah,  waxa ka soo qayb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Tacliinta sare, Guddoomiyaha xafiiska imtixaandka qaranka iyo Maamulka gobolada Awdal, waxana shirkaasi lagaga arrinsanayaa sidii loo horumarin lahaa korna loogu qaadi lahaa tayada waxbrashada dalka.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ee gobolka Awdal  Cabdisalaan Saaha. Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Awdal Jeeki Cismaan Ciye ayaa soo dhaweeyay masuuliyiintii shirkaasi ka qayb gashay.

Wasiir ku xigeenka  wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Maxamed Daahir ayaa sheegay in Xukuumadda uu Madaxweyne Muuse Biixi  ay u qorshaysan tahay tayeynta waxbarashada,  taas oo ay ugu mudan yihiin macalimiinta Dugsiyada hoose dhex ee dawladda.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here