Hargeisa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta Dooxa weyn ee magaaladda Hargeysa laga fuliyay Olole balaadhan oo aan loo kala hadhin oo Qashinka lagaga nadiifinayo.
Kumanaan qof oo isugu jira masuuliyiinta dowladda hoose, dowladda dhexe, Culimada, Shirkaddaha kala duwan ee dalka iyo shacabweynaha magaalada Hargeysa, ayaa si weyn uga qayb qaatay ololahaasi.
Duqa magaaladda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo ololahan horkacayay, ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doono cidii isku dayda in ay wasakhayso dooxyadda iyo guud ahaan Magaaladda.
”Reer Hargeysow dhaqankiina waxkabadala, ka maanta aaminsan in dooxa qashinka laga nadiifiyay inuu caawa Bulaacad ka dhigan karo oo qashinka keenayo waa balan inaan talaabo ka qaadi doono, gelinka dambena waa lasii wadayaa shaqada “.ayuu yidhi Duqa magaaladda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.
Geesta kale, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirrir oo ka mid ah Culimadda Somaliland ee qayb ka ahaa olalahan lagu nadiifinayo Dooxa weyne ee Hargeysa, ayaa Culimada dalka ugu baaqay in ay qayb ka qaatan olole kasta oo lagu nadiifinaayo dalka.
”Sheekhu maaha in misaajid nadiifa iyo goob nadiifa uun uu suge waa inuu doorkiisa ka qaataa, waana mahadsan yihin maamulka dawladda hoose “. ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirrir.
Culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa sheegay in ay muhiim tahay nadaafadu, loona baahan yahay in lagu baraarugo si loo helo caasimad qurux badan oo la jaanqadi karta dhigeeda bariga Afrika.
Olalaha oo ahaa mid iska wax u qabso ah, ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay ee lagu nadifinaayo dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.