SHARCIGA CAALAMKA ISLAAMKA, CARABTA IYO SACUUDI CARABI KA SHAQEEYA MAXAA SLAND U DIIDAYA MUWAADIN !!!?

0
1327
Mawliid Ahmed Jibriil

(Xawaalado Daydaya iyo Imaam Daydaya isma hor tagi karo )Dalkan sland waa dal meel Ebara laga zoo bilaabay sida hub ka dhigis iyo jidgoyooyin sharciga iyo abniga ka zoo hor jeeday.

Sida darted, dhisida, horemarinta iyo hirgalinta sharciga dalka waxa loo zoo maray dhibaatooyin badan oo midba mid kasii adka kana buuq iyo xasaasiyad badnaa.

Inta ka dib, hada waxa baarlamaanka sland hor yaal sharciga baananka caalamku ay ku wada shaqeeyaan caalamka islaamka, carabta iyo sacuudiga oo ah xarunta islaamka, sido kale wadamada diinta islaamka aad ka uga adag sida Araan, indonisiya, maleesiya iyo Bakisdan sharcigan baananka caalamka ayay wada Ansixiyeen oo ay ku wada shaqeeyaan ee sland maxaa U diidaya in baarlamaanku Ansixiyo oo sharciga baananka aduunka lagula shaqayn karo, baananka caalamkuna dalka ay ku zoo degi karaan Kuna shaqayn karaan dalka.

Hadaba waxa wax Lala yaabo ah, in sharciga baananka caalamka in la ansixiyo waxa diidan Xawaalado sidii daydayga sharciga diidan oo kooto in dalka ay ku haysdaan raba oo hadii sharciga baananka caalamka la ansixiyo waxa dalka imanaya baanan la tartamaya xawaaladahan hantida umada ku naaxay ee isku magacaabay Baanan..

Xawaaladahan naaxay ee sland maalinta baarlamaanku la horkeeno sharciga baananka caalamka waxa ay maalgaliyaan Imaamyada masaajidyada oo qudbada jimcaha ku zoo wada qaata baarlamaanku sharciga baananka ee caalamku ku shaqeeyo ayayna ansixin waa Ribo.

Inta ka dib, xawaaladaha sland ee baananka isku magacaabay Ribo ma diidayaan ee tartanka ayay diidayaan, haday ribo diidayaan lacagta hada umada ka qaadaan waxay ka badan tahay ta baananka caalamku qaado waana ribo ay ogyihiin.

Imaamyada wada qayliya maalinta sharciga baananka la hadal qaado waxay U ololaynayaan xawaaladaha ee dar ilaahay kama aha ee ayaan shacbigu waxba ka dhegaysan.

Inta ka Sakaw, Baarlamaanku shaqadooda ayay cidna uga habran sharcigana sida uga dhaqsaha badan haday U ansixin wayaan, G/wakiiladu waxay U muuqanayaan in ay laaluush ka qaateen xawaaladaha.

Baarlamaanku haday sharcigan ansixiyaan waxa dhimanaya xawaaladaha dadka ku haysda kootada ee hantida umada aamintay ku shaqaysda ee ninka hantidiisu taalo ayay maalgalin U sameeyaan lacag badan oo ribo ah ay dul dhigtan ninkay hantida U hayeen.

Hadaba xawaaladahan umada ay hantida U hayeen ilaahay U nasaqay, haday sharciga dalka is hortaagan dadku waxay xaq U leeyihiin in ay ku baraarugaan oo hantidooda ka qaataan, maadaama horemarkii dalka iyo dadka ay ka zoo horjeedsadeen.

Gabogabo, xawaaladahan naaxay sidii Gofanaha waxay ku dhimanayaan sharciga baananka caalamka ee hada Kula shaqeeyaan baananka caalamka oo sharcigan ribada ay ku sheegayaa ku shaqeeya.

Isku zoo wada duuboo, soomaaliland horemarka sharciga cidna loo joojin maayo kuwa qaylinayaan waxay diidan yihiin sharciga oo kootadii ayay wali rabaa, dawaco meel badhi ku cuntay ayay macaluul uga dhimataa, ee xawaaladuhu intii sharci darada ay ku shaqayadeen ha iimaansadaan.

ALAAH MAHADLEH.

MAWLIID AXMED JIBRIIL

E——- xaqsheeg@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here