Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga oo Lagu Abaal mariyey Shaqo wanaagii ay sameeyeen

0
797

Hargeysa,(HargeisaPress)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga oo uu Weheliyo Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada iyo Gudoomiye ku xigeenka hay’adda Maamul wanaaga ayaa ka qayb galay xaflad ay Wasaaradda Horumarinta Maalgashigu ku abaal marinaysay Shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkan sii dhamaanaya ee 2019.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadashay agaasimaha waaxda cudduda shaqaalaha ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Somaliland Marwo Fadxiya Maxamed Cabdiraxmaan oo ka warantay qiimaynta ay ku sameeyeen shaqaalahan.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa sharaxaad ka bixisay koboca shaqo ee wasaaradu ku talaabsatay mudadii labada sanno ahayd ee ay jirtay isla markaana ay ka mid tahay siyaasada guud ee maalgashiga Somaliland oo ay ansixiyeen golaha wasiiradu iyo dejinta qorshaha mudada shanta sano ay ku hawl galayso wasaaradaasi.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Farxaan Aadan Haybe iyo Gudoomiye ku Xigeenka hay’adda Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa oo halkaasi ka hadlay ayaa Madaxda sare ee Wasaaradda horumarinta Maalgashiga ku amaanay soo xulida shaqaalihii ugu wanaagsanaa dhanka shaqada ee sannadkan sii dhamaanaya ee 2019.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Somaliland Mudane Maxamed Axmed Maxamud Cawad ayaa sheegay in isbedel la taaban karaa ay ku talaabsatay Wasaarada horumarinta maalgashiga marka la eego mudadii labada sano ahayd ee ka soo wareegtay aasaaskeeda.

Gunaanadkiina waxaa halkaasi abaalmarino isugu Jira Shahaado sharaf iyo qadar lacageed lagu gudoonsiiyey 13 ka mid ah shaqaalaha wasaaradaasi.

HargeisaPress News Desk -Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here