Shacabka Somaliland oo Saaka U Dareeray Goobaha Codbixinta

0
1991

Hargeisa (Hargeisa Press) – Shacabka Somaliland, ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xildhibaannada golaha Wakiillada iyo Deegaanka.

Waxaana doorashada codkooda ka dhiibanaya dad gaadhaya 1,065,847, kuwaa oo ka codaynaya 2,709 goobood oo loo asteeyay codbixinta.

Musharrixiin gaadhaya 246, ayaa u tartamaha golaha Wakiillada halka 552 ay u tartamayaan golaha Deegaanka.

Doorashadan, ayaa waxaa ay noqonaysaa tii toddobaad ee Somaliland ka qabsoonta.

Sabababo la xidhiidha safmarka Covid-19, ololaha doorashada, ayaa lagu soo koobay muddo lix maalmood ah oo saddexda xisbi ee ku loollamaya doorashadan ay ku soo bandhigayeen cududda taageerayaashooda.

Codbixinta, ayaa inta badan billaabatay toddobadii arroornimo, waxaana mas’uuliyiinta doorashadu ay sheegeen in ay filayaan in doorashadu ay u dhacdo sidii loogu tala galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here