Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka oo Codadkooda Ka Dhiibtay Codbixinta Doorashada

0
1549

Hargeisa (Hargeisa Press) – Hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa saaka Codadkooda ka dhiibtay doorashada isku sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo saaka si rasmi looga dareeray guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa saaka Codkiisa ka dhiibtay xarunta aqalka Shaqaalaha dowladda oo uu hore uga diiwaangashanaa.

Guddoomiye Faysal oo warbaahinta kula hadlay isla goobta uu Codkiisa ka dhiibtay, ayaa kelmad dardaaran ah u jeediyay Codbixiyayaasha Somaliland, waxaanu ku booriyay adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinta xasiloonida isagoo xusay muhiimada ay doorashadani Qaranka Somaliland u leedahay.

Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isna Codkiisa ka dhiibtay saaka goobta aqalka Shaqaalaha oo ah goobtii uu hore uga diiwaangashanaa.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo isna warbaahinta la hadalay, ayaa dadweynaha Somaliland faray inay garab-istaagaan guddiga doorashooyinka, islamarkaana ay Codkooda si nabadgelyo ah u dhiibtaan kana faa’iidaystaan xaqa dastuuriga ah ee ay u leeyihiin inay Codkooda si xor ah u dhiibtaan.

Guud ahaan waxaa gobolada iyo degmooyinka Somaliland saaka looga dareeray goobaha codbixinta, si ay dadku u soo doortaan xildhibaannada golaha Wakiillada iyo Deegaanka.

Waxaana doorashada codkooda ka dhiibanaya dad gaadhaya 1,065,847, kuwaa oo ka codaynaya 2,709 goobood oo loo asteeyay codbixinta.

Musharrixiin gaadhaya 246, ayaa u tartamaha golaha Wakiillada halka 552 ay u tartamayaan golaha Deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here