Saudi Arabian: Dab Maanta ka kacay Isbitaal ku yaalla gobolka Jizan ee Sucuudiga oo dilay 31 Qof + SAWIRRO

0
957
Jizan, (HargeisaPress) —  Ugu yaraan 31-ruux ayaa ku dhintay in ka badan 107-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay isbitaal ugu weyn gobolka Jizan ee dalka Saudi Arabia, sida ay sheegtay hay’adda difaaca rayidka ah ee boqortooyada Saudi Arabia.

Jizan 4

Dabka oo loo maleynayo inuu ka dhashay qarax koronto ayaa wuxuu burbur aad xooggan gaarsiiyay dhismaha isbitaalka, waxaana magaalada Jazan ee gobolka Jizan oo isbitaalku uu ku yaallo la sheegay in shacabku ay si weyn loogu gurmadeen daminta dabkan.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Sucuudiga iyo dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in dabku uu wax ka yar saddex daqiiqo ku fiday guud ahaan qaybaha uu isbitaalku ka kooban yahay.

Jizan

“Intii uu dabku socday waxaan maqlaynay qaylada haween gudaha ku jiray,” ayuu yidhi nin ka mid ahaa dadkii ka ag-dhawaa isbitaalka oo magaciisa diiday inuu sheego.

 

Tirada ku dhintay shilkan ee 25-ka ruux ahaa ayaa waxaa ku jiray caruur, sida uu sheegay agaasimaha guud ee hay’adda difaaca shacabka ee gobolka Jizan, Jen. Saad bin Al-Ghamdi oo warbaahinta la hadlay.

 

Musiibadan ka dhacday isbitaalkan loogu adeegayay dadweynaha ayaa waxay noqonaysaa tii saddexaad oo ka dhacda waddanka Saudi Arabia inta lagu jiro sannadkan; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen is-buur-buurashadii ka dhacday xajkii sannadkana oo ay ku naf-waayeen boqollaal xujey ah.

CW9s3SYW8AE1m2E

Dadkii ku dhaawacmay dabkan oo tiradoodu tahay 107-qof ayaa waxaa la dhigay isbitaallo kale, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka Jizan ay sheegeen in dabka la xakameeyay, xilliganna ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo khasaarihii ka dhashay dabka.

 

Wasaaradda Caafimaadka dalka Saudi Arabia ayaan weli ka warbixin dabka isbitaalkan ka kacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, laakiin dadweyne fariimo kala duwan soo dhigay Twitter-ka ayaa sheegay in dabku uu ku yimid mas’uuliyad-darrada mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka, iyagoo dalbaday inay xilka iska casilaan.

 

Ugu dambeyn, musiibooyinkii kale ee sanadkan ka dhacay Saudi Arabia waxaa ka mid ah; is-buurasho bishii September ee sannadkan ka dhacday Xajka, taasoo ay ku dhinteen 769-qof, ayna ku dhaawacmeen 2,070-qof oo kale.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here