Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Ucid Oo Soo Saaray Bayaan Uu Kaga Hadlayo Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen, Una Cuskaday Qodobo Sharci.

0
1215
Mohamed Gacayte. Photo File

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maxamed Aadan Dubad (Gacayte) oo ah sarkaal ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ayaa soo saaray bayaan uu kaga hadlayo Sharcinimada Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen, Isagoo daliishanaya Qodobo Sharci ee dhigayo Xeerka UCID iyo Lifaaqyada Go,aanadii kazoo Baxay Kalfadhigii 5aad kuna saxeexan yahay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Loona Gudbiyay Hay’adahii ay khusaysay. Bayaankaas oo nuqul ka mid ah nasoo gaadhay wuxuu u dhignaa sidan:-

 

“Waxaan halkan ku cadaynayaa in aanay jirin tartan danbe oo Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ku dooranayo Musharax Madaxweyne sababtoo ah, Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ee qabsoomay 28/10/2012, Si rasmi ah loogu doortay Musharaxnimada Jagada Madaxweynenimo iyo Madaxweyne Ku Xigeen, taas oo waafaqsan qodobka 16aad (faqradiisa 10aad) ee Xeerka Xisbiga Ucid, taas oo ka danbaysay midowgii heshiiskii siyaasadeed ee ay wada galeen Xisbiga Ucid iyo Garabkii Xisbiga Udub ee uu hogaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen taariikhdu markay ahayd 12 june 2012, lagu heshiiyay afar  qodob ka kooban.

 

Heshiiskaas oo la mariyay nidaamka sharci ee xisbiga, si loo dabaqo qodobada sharci ee xeerka xisbiga ee kala ah Qodobka 16aad faqradiisa (9aad, 10aad) oo Qeexaya (Q.9aad– Golaha dhexe waxa uu ansixinayaa heshiisyada dhexmara xisbiga iyo xisbi kale oo ku saabsan iskaashiyo wax-wada qabsi oo la xidhiidha arimaha siyaasada ee ay u soo gudbiyaan gudida fulintu iyaga oo ku ansixinaaya cod 2/3 ah.

 

Q.10aad- Waxa ay u codaynayaan cidda noqonaysa Musharraxa Madaxwaynaha iyo m.xigeenka). iyadoo xisbigu hirgalinayo go,aanadii qodobadan heshiisku dhigayaan waxa uu xisbigu qabsaday kalfadhigii 5aad ee Xisbiga Ucid oo qabsoomay 28/10/2012. Kal fadhigaas oo ay kasoo qayb galeen 142 xubnood ee Golaha Dhexe ee Xisbiga. Cod aqlabiyad ahna ku codeeyeen.

 

Sidaas darteed kalfadhiga 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ee qabsoomay 28/10/2012, Waxa lagu ansixiyay laguna go’aamiyay qodobadan:-

  1. Waxa Lagu Ansixiyay heshiiskii Labada garab;
  2. Waxa lagu Doortay Musharaxa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku Xigeen Jagooyinkaas oo loo kala doortay
  3. Musharaxa Madaxweyne Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
  4. Musharax Madaxweyne Ku Xigeen Cabdirashiid Xasan Mataan
  5. Lagu doortay Guddoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga
  6. Lagu doortay Xoghayaha Guud ee Xisbiga

 

Hadaba Waxay Iswaydiintu Tahay Yaa Badali Kara Go,aan uu Gaadhay Golaha Dhexe ee Xisbigu?

Go’aanka Golaha dhexe waxa baabi’in kara oo kaliya Shirweyne Xisbi, Guddoomiye Xisbi iyo Golle Dhexe toona ma badali karaan go’aan hore golaha dhexe u gaadhay, dibna looguma noqon karro. Sababtoo ah qaab dhismeedka iyo awoodaha haya’adaha xisbigu ka kooban yahay waxay si cad u qeexaya Qodobada, 9aad, 10aad, 11aad,12aad, 13aad, 14aad, 15aad, 16aad, 17aad iyo 18aad ee Xeerka Xisbiga UCID.

 

Allaa Mahad Leh

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here