Salaadiinta iyo Waxgaradka Beesha Habar Awal oo Weji Gabax Weyn Kala Kulmay Dhigooda Habar Jeclo

0
2024

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Salaadiinta iyo Waxgaradka beesha Habar Awal ee ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ayaa waji gabax weyn kala kulmay dhigooda beesha Habar Jeclo.

Salaadiinta Beesha Habar Awal ayaa mudo 12 cisho ah joogay magaalada Ceerigaabo, si ay waxgaradka Habar Jeclo kulan ula yeeshaan.

Ujeedka socdaalka Salaadiintan ayaa ku aadanaa sidii ay dhigooda beesha Habar Jeclo (Muuse Abokor) u gala soo xaali lahaayeen dil Afar Sano ka hor ka dhacay magaalada Berbera.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo hogaaminayay weftiga Madax-dhaqameedka beesha Habar Awal ayaa sheegay in aanay fulin ergadii ay u yimaadeen islamarkaana ay waji gabax kala kulmeen.

Waxaanu reer Ceergaabo ugu baaqay inay markhaati ka noqdaan qaabka ay ula dhaqmeen Beesha Habar Jeclo, islamarkaana aanay wax calool xumo ah u qabin.

Beesha Habar Jeclo ayaa gabi ahaanba ka maquurtay inay la kulmaan ergadan dhigooda ah ee mudada dheer martida u ahaa ee ku sugnaa magaalada Ceerigaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here