Recep Erdogan oo ballanqaadyo u sameeyay Somalia kana dhoofay Muqdisho + SAWIRRO

0
1013

MUQDISHO, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Muqdisho goor-dhow ka dhoofay, booqasho dhowr saacadood qaadatay oo uu Muqdisho ku yimid maanta, waxaana uu ballanqaaday mashaariic cusub oo Somalia la hirgelin doono.

Erdogan ayaa markii labaad yimid Soomaaliya, isagoo kulan la qaatay madaxda dowladda Soomaaliya, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, isla markaana ballaqaaday inuu caawinayo shacabka Soomaaliyeed.

Heeshiisyada ay kala saxiixeen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay wasiirka arrimaha dibadda, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo mas’uul ka tirsan waf-diga Turkiga.

“Mashaariicda Somalia waan sii wadi doonnaa, waxaana Somalia mr kale ka fulin doonnaa mashaariic horumarineed, waxaana ka mid ah dekedda oo la ballaarin doono, qalab casri ahna lagu soo kordhin doono,” ayuu Erdogan ku sheegay shir jaraa’id oo uu wadajir ula qabtay madaxweynaha Turkiga.

Sidoo kale, Erdogan ayaa sheegay in mashaariicda ay Somalia ka fulinayaan ay astaan u yihiin xiriirka iyo walaaltinimada qotada dheer ee labada wadan, Turkigana aysan gacmaha ka laabanayn caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Turkiga ayaa xusay in safaaradda ay Soomaaliya ka dhisanayaan ay noqon doonto midda ugu  weyn ee ay caalamka ku leeyihiin, isagoo ku dhaliilay dalalka kale ee safaaradaha ku leh Somalia inay isku koobaan goobo aad u yar.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in diyaaradda Turkish Airways ay maalin walba ku imaan doonto duulimaad Muqdisho, halka ay hadda toddobaadkiiba afar jeer ku timaaddo duul-limaadyo toos ah.

Ugu dambeyn, Erdogan ayaa xusay in mashaariicda kale ee ay Somalia ka fulin doonaan ay ka mid yihiin guryo ay u dhisanayaan dadka aan awooda u lahayn inay guryo dhistaan, wuxuuna xusay inay dhisi doonaan dhawaan 10,000 oo guri oo la dajin doono shacabka Soomaaliyeed qaarkood.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here