Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Mashaariic Uu Hirgeliyey Mareeyaha Haamaha Berbera + SAWIRRO

0
1468

BERBERA, (HargeisaPress) — Waxa maanta xaflad aad loo soo agaasimay oo qurux badan lagu qabtay Xarunta haamaha shidaalka ee Berbera, halkaasi oo madaxweynuhu xadhiga kaga jaray mashruuca dayactirka haamaha sidaalka Berbera oo wax weyn laga qabtay, indhahana soo jiidanaya.

QYRY

Maareeyaha haamaha shidaalka berbera Sheekh saleebaan siciid cali oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey halkaasi ayaa ka war bixiyey sida ay isaga xilsaareen una qurxiyeen bilicda xarunta haamaha iyo sidii ay ugu dhabar adaygeen mudadii ay socotay hawshu iyada oo markii loo magacaabay haamaha ay ka soo wareegtay muddo 7 bilood uun ah, balse uu ku talaabsaday waxqabad muuqda oo indhaha berbera iyo cidii soo boqataba cajab gelisay, iyada oo uu taasina madaxweynaha qaranku uga marag kacay ka dib markii uu habeen iyo maalinba soo boqday xarunta haamaha shidaalka oo aad moodo caalam kale marka la soo galo xaruntan.

GKGF

JGJ

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay mashruuc kale oo muddo saddex bilood ah lugu hirgelindoono, kaasi oo ah mashruuca balaadhinta haamaha shidaalka, ka dibna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku soo maray guud ahaanba kaydka haamaha shidaalka, isaga oo markii danbena ku soo noqday xaruntii loogu talogalay xafladu inay ka qabsoonto oo ay hadalo ka jeediyeen ganacsato, waxgaradka, culimo awdiinka, cuqaal, sulaadiin, madax-dhaqameedka, madaxda dawlada  iyo aqoon yahano kale, iyaga oo ku dheeraaday waxqabadka ay ku talaabsatay wakaalada shidaalku inay muujisay kartida maareeyaha haamuhu u leeyahay shaqadiisa, iyo inuu yahay wiil dhalinyaro ah balse xilka la saaray ka soo baxay oo dedaal dheeriya muujiyey.

 

HKJ

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa ku hambalyeeyey maareeye saleebaan dedaalka iyo kartida uu la yimid ee uu haamihii ku hormariyey kana dhigay kuwo casri ah oo gudo iyo debedba noqday kuwo ka dhex ifay guud ahaanba gobolka saaxil, waxaanu madaxweynuhu ku dardaaray maareeyaha inuu halkaasi ka sii wado oo aanu ka caajisin waxqabadkiisa iyo dedaalkaaba, waana mid lagaaga dayan doono ayuu yidhi madaxweynuhu waxa aad qabatay waana lagugula tartami ee ogsoonow taasi.

GKFD

FG

dhanka kale waxa iyana xaflada joogtay marwada madaxweynaha qaranka Somaliland marwo aamina sheekh maxamed jirde oo ay haween weynaha gobolka saaxil ku sharfeenkuna maamuuseen laba xeedho oo ay marwada ku dhiirigeliyeen, sida qiimaha iyo sharafta badan ee ay marwalba isaga xilsaarto danaha iyo ka war haynta dadka jilicsan ee aan awoodin inay waxqabsadaan, sida dhegoolayaasha, Agoomaha iyo dadka waayeelka ah misen adanyarta ah, iyada oo marwadu ka gudoontay haweenka hadyadaas, ugana mahadnaqday siday u sharfeen marwada.

GJF

HK

unnamedGHGH

LEAVE A REPLY