Madaxweyne Siilaanyo oo Ka hadlay Doorashada iyo Musharaxnimadiisa

0
852

BERBERA, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ka jawaabay Su’aalo ku salaysan Da’diisa,Musharaxnimadiisa,Safarkiisii dhawaan iyo arrimo kale. Madaxweynaha ayaa arrimahan kaga hadlay Waraysi uu Siiyay Wariyihiisa Gaarka ah ee Telefishanka Qaranka.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn la wadiiyay Safarkiisii Gobolada Dalka uu ku soo maray “Safarkaasi wuxu daarranaa inaanu dalka soo maro,Inaanu xogogaal u noqono dadkayaga iyo dalkayagu wuxuu qabo.aad iyo aad bay farxad noogu ahayd inaanu ku soo wareegno qaybo badan oo dalka ka mid ah,dadka la soo kulano, waxay qabaan ogaano,Mashaariic ka soo furo,Dareenkooda Ogaano oo la soo tashano, aad iyo aad baanay farxad weyn ugu tahay Maamulkayga waayo waa in dadka iyo dawladdu isku xidhnaadaan” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidoo kale ka jawaabay Eedaha Mucaaradku u jeediyay Safarkiisa “Safar xarrago oo bilaa macno ah oo la iska soo wareegayo muu ahayn, wuxuu ahaa Safar qiimo weyn ugu fadhiya dadka iyo dalkaba, oo dadku dareenkooda noo muujinayeen,Baahiyahooda noo sheegayeen,wixii aanu ka qaban karayno aanu ka qabanayno,wixii kalena aanus oo qaadanay.wuxuu ahaa safar loo baahnaa oo dawlad iyo dadba loo baahnaa,xil na saarnaana wuu ahaa” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha waxaa la waydiiyay Su’aal nuxurkeedu ahaa sida uu ugu adkaysanayay Socdaalkii Kalahaadda iyo Guuro galka ahaa iyo waliba Arrinta ku saabsan inuu Madaxweynuhu haatan hayay da oo aanu isa soo sharaxi Karin waxaanu ku jawaabay “Dee horta da’du wax xun maaha,Da’daydu kolay kuna weynaan mayso kuna yaraan mayso ee intaan ahay uun baan ahay laakiin, inaan Awood leeyahay,inaan dhaqaaqi karayo, inaan socon karayo, inaan fikiri karayo,inaan Shaqayn karayo dee way iga muuqataa, markaa Alxamudullilaahi Rabbil caalamiin, waan mahadinayaa, waan Caafimaad qabaa,waan wanaagsanahay, Illaahay Mahadii baan joogaa”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabay Dhaliisha Mucaaradka ee ah in Doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacayso waxaanu yidhi “Doorashadu wakhtigeedii bay ku dhacaysaa Insha Allaahu tacaalaa,Annagu xaggayaga waanu ka dhamaystiray,wakhtigii doorashada loogu tala galayna way dhacaysaa,waanu ku xisaabtamaynaa,waanan fullinaynaa,Dimuqraadiyadda dalkana waanu ilaalinaynaa,xaggayagana ka liici mayso inaanu hagaajino oo toosino mooyaane.waajibka iyo xilka na saaran waanu ka soo baxaynaa si buuxda ayaanu Insha Allah u gudanaynaa”

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxu ka jawaabay hadalka ah inaanu Madaxweynuhu Musharax ahayn ee Mucaaradku inta badan sheego “Dee waxay ka baqanayaan inaan Doorashada u istaago,waan istaagayaa waanan taaganahay Insha Allah,waanan Caafimaad qabaa,waanan wanaagsanahay, Markaa Insha Allah waa inoo Garoonka(Doorashada)” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here