Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Imaaraadka Carabta Oo Qaabiley Madaxweynaha Somaliland

0
902

Abu Dhabi (Hargeisa Press): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi  iyo weftigii uu hoggaaminayey oo socdaal shaqo ku jooga magaaladda Abu Dhabi  ayaa maanta la kulmay  Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada Imaaraadka Carabta,  Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan.

 

Sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, madaxweynaha Somaliland  iyo Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Imaaraadka Carabti si qoto-dheer uga wada hadleen  qodobbo ay ka mid ahaayeen Amniga guud ee Geeska Afrika.

Xoojinta xidhiidhka labada dal, Dhaqaalaha, Iibka Xoolaha Somaliland, Maalgashiga, Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumaysiga, shaqo abuurka iyo dalxiiska.

Waxa kaloo warku intaas ku daray in  Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyada ee Imaaraadka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  ay wadajir u falanqeeyeen  sidii loo fududeyn lahaa isku socodka labada shacbi iyo sidii Baasaboorka Somaliland loogu tagi  Iahaa Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul-wasaare ku xigeenka Imaaraadku ay ka wada hadleen  Dardargelinta mashaariicda horumarineed ee labada dal ka dhexeeyay.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisu maalintii Sabtidii markii  ay gaadheen Imaaraadka Carabta,   waxa madaarka Abu Dhabi si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyey wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka,  Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri.

Safarkaasi oo yimid kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay masuuliyiinta sarsare ee Imaaraadka Carabta.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta waxa ka dhexeeya iskaashi saaxiibtinimo iyo iskaashi ballaadhan. Waxaana Shirkadda DP World ay maalgelinaysaa casriyeynta Marsadda Berbera.

Halka dawladda Imaaraadku ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya  jidka isku xidha Berbera iyo Wajaalle oo dhererkiisu dhan yahay 25OKm.

Sidoo kalena,  dawladda Somaliland ayaa  Imaaraadka carabta ka siisay Magaalada Berbera saldhig Millatari.

 

Xigasho: SOLNA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here