Sanduuqa Madow Ee Dayaaraddii Ethiopian Airline Ee Bur-burtay Oo La Helay

0
1245

Addis-ababa(Hargeisa Press): Shirkadda Dayaaradaha Itoobiya ayaa sheegtay in la helay Sanduuqii madoobaa ee dayaaradii Boeing 737  ee shalay ku dhacday  Agagaarka Addis-ababa, taasoo ay ku dhinteen 157 qof oo saarnaa.

Dayaaradaas burburtay oo nooceedu ahaa Boeing 737 oo ka duushay Addis Ababa una sii jeeday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, ayaa Axadii shalay dhacday markii ay lix daqiiqo oo keliya hawadda ku jirtay.

War-murtiyeed ay soo saareen masuuliyiinta shirkadda Ethiopian Airline, ayaa lagu sheegay baadhis qoto dheer oo ay sameeyeen khubaradoodu lagu  soo helay sanduuqa madow ee duuba xogta diyaaraddii burburtay.

Waxaanay sheegeen inay ka baaraandegayaan macluumaadka laga helo sanqduuqaas.

Shirkadda Dayaaradaha Itoobiya ayaa ku dhawaaqday maanta inay joojisay duuliimaadyada ganacsiga ee diyaaradda Boyn 737, kadib markii uu dhacay shilkaas khasaaraha badani dhaliyey.

Dhinaca kale waxaa maanta soo gaadhay magaaladda Addis Ababa khubarro kala duwan oo aqoon u leh arrimaha hawadda, oo ka kala socday dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha hawadda.

Kuwaasoo u jeedadoodu tahay sidii ay dawladda Itoobiya uga gacan siin lahaayeen baadhitaanadda la xidhiidha sidii loo ogaan lahaa waxa sababay shilka dayaaradaasi oo gebi ahaanba dadkii saarnaa iyo shaqaalihiiba ay ku dhinteen.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here