Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Tacsi Ugu Tegay Saafaradda Itoobiya Ee Hargaysa

0
932

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tacsi ugu tegay safaaradda dawladda Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargaysa.

 

Isagoo  ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu,  shilkii dayaaradeed ee naxdinta lahaa ee shalay ka dhacay degaanka Bishoftu.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenka Somaliland  saxeexay buugga (condolence book)  tacsida ee la dhigay safaaraddaasi, taasoo uu ku muujinayay sida ay Somaliland Itoobiya ula wadaagayso murugadda dadkii shilkaas kaga dhintay.

Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland waxaa ku wehelinaayey tacsida agaasimeyaasha guud ee madaxtooyada  Maxamed Cali bile iyo agaasimaha barnaamijka shaqo qaran  Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

Sidaasina waxaa lagu sheegay war caawa ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo loou tallo galay warbaahinta.

Dhinaca kale, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna maanta safiirka Itoobiya u jooga Hargaysa ugu tegay booqasho uu ugaga tacsiyadaynayay shilkii dayaaradda ee shalay ka dhacay Itoobiya.

Sida uu ku sheegay qoraal kooban oo uu Eng. Faysal caawa soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu xarunta safaaradda ku saxeexay buuga tacsida ee la dhigay.

“Waxa aan maanta Tacsi ugu tagay xarunta safaarada  dawladda Ethopia ee magaalada Hargeisa aniga oo uga Tacsiyadeeyay shilkii dayaaradeed ee naxdinta lahaa ee shalay ka dhacay dalka Ethiopia.

Sidoo kale na waxaan sexeexay Buugga Tacsida ee la dhigay xarunta safaaradda.” ayuu ku yidhi Eng. Faysal qoraalka kooban ee uu soo dhigay bartiisa Facebook.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY