Ra’iisul Wasaaraha Somalia Oo tacsiyeeyey Geeridii Xuseen Bantuu oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka

0
788

Muqdisho, April, 06, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid xildhibaan Xuseen Maxamuud Muuse(Xuseen Baantuu) oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare ayaa ku tilmaamay Xildhibaan Xusein Bantuu inuu ahaa muwaadin ka shaqayn jiray dib u heshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada,

“Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Qoyskii, Qarabadii, Xildhibaanda iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, geeridii ku timid Xildhibaan Xuseen Baantu, inuu ilaahay samir iyo imaan ka siiyo intii jecelayd, Marxuumkana Ilaahay Qabriga u waasiciyo, Janatul Fardowsn ka waraabiyo”

Xildhibaanka ayaa u geeriyooday xanuun hayey waayahaan danbe, wuxuuna in mudo ah ka mid ahaa xildhibaanda Baarlamaanka, sidoo kalana wuxuu jagooyin wasiirnimo ka soo qabtay dowladihii KMG ee dalka soomaray.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdihso, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here