Ra’iisul Wasaaraha Canada oo eryay safiirkiisii Shiinaha haxilli uu taagan yahay khilaafkii Huawei

0
841
Justin Trudeau (Midig) ayaa waxa uu 2017 John McCallum u magacaabay inuu noqdo safiirka Shiinaha ee dalkiisa

TORONTO — Arrintan ayaa timid kaddib hadal uu jeediyay Mr McCallum oo ku saabsanaa kiiskii dhoofinta ee ay ku lugta laheyd sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda weyn ee Shiinaha ee isgaarsiinta ee Huawei.

Mr Trudeau ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu John McCallum xilka banneeyo hasayeeshee wax sabab ah muusan sheegin.

Xariga Meng Wanzhou, oo ku dhacay codsi ka yimid waddanka Mareykanka, ayaa waxa ay ka caraysiisay Shiinaha waxa ayna arrintaasna xumaysay xiriirkii Canada kala dhaxeeyay Beijing.

Ms Meng, oo ah madaxa maaliyadda ee Huawei, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay hareer martay cunaqabateynta Mareykanka uu ku soo rogay waddanka Iiraan. Iyada iyo shirkadda Huawei-ba waa ay diideen eedahaasi.

Mr Trudeau ayaa bayaankiisa waxa uu ku sheegay: “Xalay waxaan waydiistay John McCallum inuu iscasilo wuuna aqbalay inuu banneeyo xilka safiirka Canada ee Shiinaha.

Waxa uu sheegay in diblumaasigan rug caddaaga ah uu dadka Canada ugu adeegay si sharaf leh isagoo weliba xilal kala duwan ka soo qabtay golaha wasiirrada, waxa uuna uga mahadceliyay isaga iyo qoyskiisaba adeegga ay dalka u qabteen.

Mr McCallum ayaa Talaadadii waxa uu kiciyay khilaaf markii uu meel fagaara ah kaga dooday in codsigii dhoofinta Mareykanka ee Ms Meng uu ahaa mid dhaawac culus keenay.

Maalintii xigtay ayaa waxa uu shaaciyay bayaan sheegaya in uu “si khaldan u hadlay” iyo inuu ka xun yahay in hadalladiisa ay abuureen “jahawareer”.

Hasayeeshee Jimcihii ayaa waxaa la soo xigtay isagoo leh “Canada waxaa u wanaagsanaan laheyd” haddii Mareykanka uu dib ula laaban lahaa codsigiisa.

Bilowgii bishan, saraakiisha Mareykanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen inay qorsheeyeen inay sii wadaan codsigooda ah in la soo dhoofiyo Ms Wanzhou.

Washington ayaa waxa ay haysataa 60 casho oo ay tahay inay ku soo gudbiso dalabkeeda rasmiga ee soo dhoofinta, mudadaas oo ku eg 30 bisha Janaayo.

Meng Wanzhou, waa 46, waxa ayna shirkadda Huawei ku soo biirtay horraantii 1993.

Waxa ay ka qalinjabisay jaamacadda Seyniska iyo tiknoolajiyadda ee Huazhong sanaddii 1999,waxa ayna baratay culuumta xisaabaadka.

Waxa ay xilligaasi ku biirtay waaxda dhaqaalaha ee shirkadda Huawei.

Meng Wanzhou waxaa dhalay milkiilaha shirkadda Huawei Ren Zhengfei.

Sanaddii 2011 waxa ay noqotay madaxa dhaqaalaha ee shirkadda ,waxaana bilooyiin ka hor loo dalacsiiyay gudoomiya ku xigeenka shirkadda.

Xarigga madaxa shirkadda Huawei Meng Wanzhou ayaa waxa uu Mareykanka iyo Shiinaha ka dhex dhaliyay xiisad siyaasadeed.

Labada dal ayaa waxay horey isugu hayeen ganacsiga iyo canshuuraha alaabaha loo kala dhoofiyo.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here