Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska oo Somaliland Ku Xusay Liiska Dalal Waaweyn

0
1618

Tokyo (Hargeisa Press)- Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa shirkii G7 ee dhawaan ka dhacay dalka Japan ka sheegay in waddankiisa uu dhaqaalo badan ku bixin doono mashaariicda horumarinta.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdiisa ay ka hor dhammaadka 2027 diyaarin doonto 40 bilyan oo dollar si maalgashi gaar ah iyo mid dowladeedba loogu sameeyo kaabayaasha muhiimka ah balse la dayacay ee waddamada soo koraya.

Dalalka G7, ayaa sanadkii 2021shaaciyay qorshe lagu maalgalinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah dalalka saboolka ah iyo kuwa heer dhexaadka ah, sida buundooyinka, wadooyinka iyo tamarta aan deegaanka wax u dhimin.

“Waan ognahay awoodda isbedal ee uu keeni karo maalgashiga ay sameeyaan shirkadaha gaarka ah. Waxa ay naga caawiyeen in aan dekado ka dhisno Senegal iyo Somaliland, mashaariic quwadda biyaha laga dhaliyo oo aan ka hirgelinay Rwanda iyo tamarta dabeysha oo aan ka dhisnay Hindiya,” ayuu Sunak ka sheegay shirkii G7.

Waxa uu intaa raaciyay in dalkiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta in laga guul-gaadho maalgashiga lagu sameeyo kaabayaasha dalalka, si bulshooyinka waddamadaas looga saaro faqriga.

Xidhiidhka ka dhexeeya UK iyo dekadda Berbera

Dekeddaha Bariga Afrika oo Tartan Adag Kala Kulmaya Dekedda Berbera –  HargeisaPress

Shirkadda maalgashiga ee British International Investment (BII) oo wixii ka horreeyay April 2022 magaceedu ahaa Commonwealth Development Corporation (CDC), ayaa saami 19% ku leh mashruuca lagu casriyeynayo dekadda Berbera.

Waa shirkad maalgashi oo hoos tagta wasaaradda arrimaha dibedda, barwaaqa-sooranka iyo horumarinta UK. Guud ahaan qaaradda Afrika waxa ay ku leedahay in ka badan 600 oo ganacsi oo qiimahay ku fadhiyaan lagu qiyaasay 4.2 bilyan dollar.

Shirkadda BII oo shuraako la ah DP World, ayaa sanadkii 2021 shaaciyay in lacag dhan 1.7 bilyan ku kharash gareyn doonaan saddex dekadood oo ay kamid tahay Dekedda Berbera. Labada kale ayaa ku yaalla Senegal iyo Masar.

Heshiiska casriyeynta dekadda Berbera oo ku kacaya 442 milyan oo dollar, ayaa DP World siinaya in dekaddaas ay maamusho muddo 30 sano, iyo toban sano oo loogu dari karo.

Waxaa hadda socda wejigii labaad ee ballaadhinta dekadda, kaasoo maalgashi cusub iyo shaqo abuur u sameyn doona shacabka ku nool halkaas.

DP World, ayaa sheegtay in muhiimadda ugu weyn ee ay leedahay dekadda Berbera ay tahay halka ay ku taallo iyo sida ay uga faa’iideysan karto Itoobiya oo aan bad lahayn.

Dekadda Berbera, ayaa Addis Ababa u jirta masaafo dhan 900 oo kilo mitir, taasoo la siman dekadda Jabuuti, waxaana ay noqon kartaa marin ka caawiya dalkaas ugu dadka badan Bariga Afrika helitaanka badeecadaha uu u baahan yahay.

Dekadda Berbera, ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn Somaliland, waxaana lagu qiyaasay in halkaa ay xukuumadda Somaliland ay ka hesho 63% dakhligeeda.

Dekadda Berbera halkay kaga jirtaa kaalmaha dekadaha Afrika?

Dekedda Berbera ee Somaliland, ayaa ka hormartay Dekedda wayn ee Mombasa ee dalka Kenya iyo Dekedo badan oo ka horrayn jiray, balse ay hadda iyadu dhaaftay, sida lagu sheegay qiimayn uu sameeyay Baanka Adduunku.

Qiimaynta Baanka Adduunka oo lagu saleeyay xulashada Dekedaha ugu shaqada iyo habmaamulka fiican ee Afrika, ayaa waxa guul kasoo hooyay Dekedaha Berbera, Jabuuti iyo Dara-Salam oo kaalmaha ugu horreeya galay, halka Dekedda Mombasa ee Kenya tartanka lagaga guulaystay.“Waxaannu ku muteysannay shaqada aannu u qabannay Maraakiibta iyo adeegga aan u qabanno, sida dejinta, iyo rarista. Markaa, shaqada aannu qabannay ayaannu kaalintaa ku gaadhnay.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Saciid Xasan Cabdillaahi oo ka hadlay Warbixin uu sameeyay Bangiga Adduunku.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in Dekedda Jabuuti oo keliyi ay ka horrayso Dekadda Berbera, isla markaana Dekadaha Port Elizabeth ee Durban iyo Cape Town ay ku sii xigaan. Dakadahan, ayaa ku soo baxay qiimaynta lagu sameeyay Dekadaha dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika.“Hagaajinta howl hufnaanta Dekeddu waxay lama huraan u tahay furitaanka korriinka iyo horumarka Afrika.” Martin Humphreys, oo ah hoggaamiyaha dhaqaalaha gaadiidka ee Bangiga Adduunka, ayaa sida u sheegay Wargeyska The East Afrikan.

Dekedda magaalada Berbera, ayaa lagu sameeyay horumarin ballaadhan, iyadoo shirkadda Dekedaha ee DPWORLD ay malaayiin doollar ku kharashgaraysay horumarinta Dekeddan ku taal goobta muhiim ka ah ee magaalada Berbera ee dalka Somaliland

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in Dekadda Berbera ay noqotay Dekedda 2aad ee ugu wanaagsan Dekadaha Waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Tusmada Waxqabadka Dekeddaha Adduunka ee u Adeegga Kontaynarrada oo ah warbixin uu si sannadle ah u daabaco Bangiga Adduunka, ayay Dekadda Berberi 2022 ka gashay kaalinta 144. Taas oo ka dhigan in ay 40 kaalmood kor u soo kacday marka loo eego sannadkii 2021, kaas oo ay kaalinta 184 ku jirtay, halka ay sannadkii 2020 gashay kaalinta 245.

Dhinaca kale, Dekadda Berbera, ayaa kaalinta 2aad u gashay Dekadaha dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika. Halka ay sanadkii 2021 kaga jirtay kaalinta 7aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here