Ra’iisal Wasaaraha Hindiya oo Maanta booqasho lama Filaan ah ku Tagay Waddanka Pakistaan + SAWIRRO

0
1224

ISLAMABAD, Pakistan — Ra’iisul wasaaraha dalka India, Narendra Modi ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku tagay waddanka Pakistan oo dalkiisa uu kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo muddo fog soo jiray.

BN-LV968_1225in_M_20151225125537

Booqashadan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo ra’iisul wasaare Hindi ah uu ku tago dalka Pakistan muddo 10-sano ka badan,Narendra Modi ayaa sii maray dalka Afgaanistan, ka hor intii uusan tegin dalka Pakistan, isagoo sheegay in socdaalkiisa uu qayb ka yahay sidii horay loogu sii wadi lahaa nabadda gobolka.

 

Labada mas’uul ayaa markii ugu horreysay dib u soo celiyay xiriirkooda dhanka siyaasada ee labada Dal, kaddib kulan gaar ah oo ay ku yeesheen xarunta dalka Faransiiska ee Paris laba toddobaad ka hor, xilligaas oo ay labadooduba ka qayb-galayeen shirkii caalamiga ah ee cimilada adduunka.

 

Xidhiidhka siyaasadeed ee labada dal ee dariska ah oo haysta hubka khatarta ah ee Nuclear-ka ah ayaan wanaagsanayn tan iyo markii dalka Pakistan uu ka go’ay dalka Hindiya sannadkii 1947-kii, markaasoo Pakistan ay ku dhawaaqday inay tahay dowlad madax-bannaan.

BN-LV956_1225in_P_20151225085810

Sidoo kale, labada dal ayaa waxaa horay u dhexmaray saddex dagaal oo ay laba ka mid ah ka dhasheen muranka lahaanshaha gobolka Kashmiir oo qaybo ay labada waddan uu midba qayb ka maamulo, taasoo ka mid ah arrinta khlaafka siyaasadeed ee Hindiya iyo Bakistaan dhexeeya udub-dhexaadka u ah.

 

Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Modi ayaa hadal uu ka jeediyay Jimcaha maanta ah baarlamaanka waddanka Afgaanistaan ayaa wuxuu ku baaqay in dalalka gobolka – sida; Pakistan, Afgaanistaan iyo Hindiya ay iskaashadaan si loo xoojiyo horumarka ka socda Afgaanistaan.

BN-LV967_1225in_M_20151225122019

Ugu dambeyn, Narendra Modi ayaa xusay in guul uu gaaro dalka Afgaanistaan ay ku xiran tahay taageerada waddamada dariska la ah; kuwaasoo ay ka mid yihiin India iyo Pakistan. Waxaase horay gacan uga geystay in dalka Afgaanitaan ay ka hirgasho dowlad awood ah dalalka Iiraan iyo dalal kale, kuwaasoo sidoo kale gacan ka geystay la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ee ka dagaallama waddanka Afgaanistaan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here