Qodobo Laga Soo Saaray Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD

0
931

Djibouti (Hargeisa Press)- Waxaa magaalada Jabuuti lagu soo gaba-gabeeyay shir madaxeedka 14-aad ee caadiga ah ee Madaxweynayaasha iyo Ra’iisal Wasaareyaasha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo Isniintii ka furmay halkaasi.

Shirka urur goboleedka ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah dalalka bariga Afrika, ayaa ka socday magaalada Jabuuti oo xaruntiisa cusub laga dhagax dhigay.

Madaxda urur goboleedka IGAD, ayaa guddoomiye u doortay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkoodii uga socday dalka Jabuuti.

Dalka Suudaan oo hore u guddoominayay shir madaxeedka IGAD, ayaa Jabuuti ku wareejiyay.

Sidoo kale, IGAD, ayaa mar labaad u dooratay xoghayaha guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, si uu afarta sano ee soo socota u sii ahaado Xoghayaha guud ee IGAD.

Tallaabooyinkan, ayaa waxay qeyb ka yihiin dib u habeyn lagu sameynayo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah IGAD.

Geesta kale, qeybaha dhaqaalaha iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, ayaa waxay cadaadis ku saareenIGAD sidii loo soo afjari lahaa dagaalka dalka Sudan, iyagoo uga digay in laga foojignaado in colaaddu ay kusii durugto gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here