Cabdillaahi Dirawal oo Fariin U Diray Xildhibaanada Golaha Wakiillada

0
1512
Cabdillaahi Dirawal
Cabdillaahi Dirawal

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi (Darawal), ayaa ka hadlay tartanta loogu jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee uu iskacasilay Cabdirisaaq Khilaaf Axmed oo ku biiray Maleeshiyaadka Huwanta ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Mujaahid Cabdilaahi (Darawal) oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay in sharcigu qof walba ka sareeyo,isla,markaana ay tahay in baadhis lagu sameeyo shakhsiyaadkii difaacayay Cabdirisaaq Khaliif.

“Baryahan dhan waxa aynu isku haynay Cabdirisaaq Khaliif waa dambiile iyo dambiilr maaha,nasiib wanaag isaga ayaa inoo markhaati furay wixii uu ka shaqaynayay, qolooyinkii ku dacwoonayay shaqo ayuu qaranka ugu maqanyahay.waxa loo baahanyahay in la baadho oo waxan uu sheegay in ay kala shaqaynayeen iyo in aanay kala shaqaynan.sharcigu waa in uu shaqeeyo oo Nin walba ka sareeyo oo la baadho,”.ayuu yidhi Cabdilaahi Darawal.

Sidoo kale, Cabdilaahi Darawal ayaa waxa uu fariin u diray Mudanayaasha Golaha Wakiilada.

Waxaana uu yidhi”Golaha Baarlamaanka Wakiilada oo ah hay,adii ugu muhiimsanayd qaranka oo sharciga inoo samaynayay oo Xukuumadda ku ilaalinayay,waxa aad moodaa in Baarlamaanka u badan yahay Dhalinyaro Siyaasada aad moodo in ay ku cusub yihiin. waxa ay u dhaarteen qaranka waa in qaranka ay u dhaarteen u shaqeeyaan, waxaana aan qaran dumisnimo u arkaa in kursigaa Cabdirisaaq Khaliif iska casilay in cid kale isku qabsato. hadaad tidhaahdo booskii ay ku joogeen ayaan qaadanayaa waa xaalad uga sii daris, waxaana aan kula talin lahaa in ay isxakameeyaan oo ka fikiraan dalkan mustaqbalkiisa.Siyaasada malaha saaxiib joogta talaxtaga in ay iska daayaan ama Mucaarad ahaada ama Muxaafid ahaada Siyaasada way isbadbadashaa.markaa lama talax tago waana ceeb in la yidhaahdo shakhsi ayaa qaar iska leh,”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here