Qaybtii Labaad: Musuqa, Eexda iyo Nas-nuujinta Heegaysan Ee Hadheeyay Guddiga Qandaraasyadda

0
995

Hargaysa (Hargeisa Press): Waa qaybtii labaad ee warbixino taxane ah oo aan ku faaqidayno musuqa, eexda, naas-nuujinta iyo garrabaysiga Heegaysan ee hadheeyay guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland.

Waxaanan qaybtan si gaara diirradda ugu saari doonaa dhacdooyinka xaqiiqda ah ee ay la kulmeen madaxda qaar ka mida shirkadaha ka qayb qaatay tartamadda mashaariic ay baahiyeen guddiga qandaraasyadu.

Kuwaasoo nooga waramay ficiladii lagu duudsiyay, sidii xaq daradda ahayd ee iyagoo buuxiyay dhamaanba shuruudihii laga rabay shirkadda fulin karta mashaariicda la baahiyay iyo sidii badheedhka ahayd ee looga reebay.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mida masuuliyiinta shirkaddo dhawr ah oo ka mida shirkadaha waddaniga ah ee dalka ka jira gaar ahaana kuwa dhismaha, guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland waxa uu dariiq qabiilaysan ama Heegaysan shirkadaha ku siiyaan mashaariicda ay baahiyaan.

Masuuliyiintan ka tirsan shirkadaha uu xaqoodii duudsiyay guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland oo ka cudur-daartay in aan magacoodda xusno, waxay noo sheegeen in marka la gaadho kala saarista shirkadaha u tartama mashaariicda ay guddiga qandaraasyadu baahiyaan in uu sifo sharci darro ah ku xusho  hadba shirkadda uu rabbo.

Waxaanay noo xaqiijiyeen masuuliyiintani in iyagoo huba in shirkadahoodu ay  guulaysteen in haddana guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranku uu shuruudo gaara ku xidho in ay noqdaan kuwa fulinaya mashruuca la xayaysiiyay.

Mulkiileyaasha shirkadahan la duudsiyay waxay noo sheegen in haddii ay qandaraas la baahiyay ku guulaysato shirkad aanay mulkiileyaal ka ahayn shaqsiyaad ka soo jeedda jifadda madaxweynaha ama kooxda Heego in lagu xidho shirkadaasi in ay lacag laaluush ah siiso guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda.

Waxaanay noo cadeeyeen dadkan aan la kulanay in haddii shirkadi ku guulaysato fulinta mashruuc oo ay tahay mid ay leeyihiin dad muwaadiniin ah, balse aanay madaxweynaha isku beel hoose ahayn ama aanay kooxda Heego lahayn haddii ay bixin waydo lacag laaluusha ah oo ay siiso guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda si badheedh ah ayaa loo reebaa.

Ficiladan foosha xun ee uu guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda Somaliland kula kaco shirkadahan ay leeyihiin dadka muwaadiniinta ah ee marka qandaraaska la shaacinayo loogu sheego bulshadda in si cadaalad ah oo daah-furan loo kala saarayo shirkadaha ayaa niyad jab xun ku abuurtay muwaadiniinta leh shirkadaha falalkaas lagula kacay.

Kuwaasoo noo sheegay in ay qanac iyo quus ka taagan yihiin sidii ay shirkadahoodu uga sii shaqayn lahaayeen wadanka, maadaama oo nidaam aad u fool-xun oo eex, naas-nuujin iyo qaraabaysi ah ay kala kulmeen hay’addii qaranka u qaabilsanayd baahinta iyo kala saarista qandaraasyadda wadanka laga fulinayo.

Waxaanay tilmaameen dadkan aan la kulanay in haddii cadaalad darradu ay sidan ku sii socoto oo aanu madaxweynuhu wax ka qaban musuq maasuqan uu guddoomiyaha guddiga qandaraasyadu ku hayo in ay dalkaba isaga tegayaan.

Iyagoo hoosta ka xariiqay in marar badan oo ay arrintan cabashooyin ka muujiyeen una sheegeen  guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda in aanay xaq iyo cadaalad toona ahayn sida uu u kala saarayo shirkadaha ay leeyihiin dadka muwaadiniinta ah in uu ugu hanjabay in cid isaga wax ka qaadi kartaa aanay jirin.

Jawaabtaasi oo ay  sheegeen mid ay u arkaan in xataa madaxweynuhu uu kula socdo ama qoyska madaxtooyadda uu awood ka haysto guddoomiyuhu, sidaas darteedna aanu cidnaba ka baqanaynin in sidan uu ku shaqeeyana ay tahay wax lagula socdo.

U awood sheegashadda shirkadaha muwaadiniinta ah uu kula kaco guddoomiyaha guddiga qandaraasyadu ayay isku waafaqsan yihiin dhamaanba xubnahan kala duwan ee aanu xog waraysiga la yeelanay.

Waa Kuwee Shirkadaha Ugu Cad Cad Ee Naas-nuuijta iyo Sad-bursiiyaha Loo Siiyo Mashaariicda Dheefta Leh:

Shirkadaha uu sida sharciga baal-marsan qandaraasyadda naas-nuujinta ah u siiyay waxaa ka mida Sagal Jet, taasoo uu sami badan ku leeyahay wiil ka mida saraakiisha kooxda Heego oo ay madaxweynaha isku beel yihiin.

Kaasoo si aan qarsoodi lahayn door muuqda ugu leh leexsashadda mashaariicda dhaqaalaha laga helayo ee guud ahaanba dalka laga fulinayo inta ay jirtay xukuumadda Muuse Biixi.

Waxaana markhaati cad u ah in shirkadaasi ay qayb Libaax ku leedahay musuqa lagu hayo hantidda qaranka in lagu eedeeyo in shirkadaasi ay daabacday kaadhadhka codaynta oo been abuur ah xiligii lagu jiray doorashadii madaxtooyadda Somaliland dabayaaqadii sanadkii 2017-kii.

Arrintaasi oo ahayd mid aan qarsoonayn, isla markaana banaanka u soo baxday in door weyn oo musuq maasuq ay ku lahayd ka sekow mashaariicda lagu naas-nuujiyo doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Biixi.

 

La soco qaybaha danbe……

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here