Fanaanadda Nimco Cali Migil Oo Hees Cusub Soo Qaaday

0
1653

Hargaysa (Hargeisa Press): Fanaanada Nimco Cali Migil, ayaa dhawaan soo  saartay hees cusub oo magaceedda la yidhaahdo  ‘Aduunyadu Waa Sagaal’ waxaa curiyay abwaan C/casiis Xuseen.

Taasoo uu laxankana saaray Faarax Adhiile, isla markaana ay ku luuqaynayso fanaanad Nicmo Cali Migil

Heestaasi oo ah mid ay si weyn uga daba dhaceen dadkii dhegaystay ayaa ka hadlaysa rejo mustaqbalka dhaw la gaadhi karo iyo duruufaha jacaylka oo ku lamaan.

Waxaana heestan ku jira erayo sarbeeb ah oo lagu maldahay qof  jacayl darani hayo iyo sida aan ruuxii kale  kalsooni buuxda in laga heli karo loo hubin.

Fanaanadan oo kamid ah Fanaaniinta Codkoodu soo jiidashada leeyahey, ee Calanka u Sida Heesaha Dambe ee Xidigaha dhinaca Haweenka Soomaalida ayaa, lagu Waddaa in ay kor ugu qaado Masrixiyadda Fanka hablaha oo Xiisa gaar ah loo qabo Sanadahan Dambe, iyaddoo si aad ah Heestan Wakhti u Siisey, si Fankeedu mar kale Ula jaanqaado Magaalada Hargeysa iyo Hoygii Fanka Somaliyeed.
Kumanaan kamid ah Dhalinayarada Wakhtigan ee ku nool Gudaha Somaliland gaar ahaana Caasimada Hargeysa ayaa Soo dhaweeyay Fanaanada Nimco Migil iyo Heesteedan Xiisaha gaarka ah huwan kuwaas oo Gacmo Furan iyo Soo Dhaweyn aan kala hadh laheyn ku Qaabiley Fanaanada oo baryahan heesaheeda aad looga jecelyahay Dalalka Somaliland iyo Djibouti.

Halkan Hoose Ka Daawo Heestaasi Oo Fanaanad Nimco Cali Migil Ku Luuqaynayso:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here