Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Muqdisho

0
934

Muqdisho (Hargeisa Press)  — Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa inta badan jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka dhacay agagaarka maqaaxi ku taalla dugsiga tababarka ciidamada Booliiska Soomaaliya ee Janaraal Kaahiye.

qaraxaas uu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyey ruux isku soo xidhay walxaha qarxa.

Booliska ayaa xaqiijiyay inay jirto khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo ka dhashay qaraxa.

Illaa hadda lama oga nooca qarax ka dhacay dibadda makhaayadda iyo sidoo kale tirada rasmiga ah ee ku dhimatay ama ku dhaawacantay balse booliska ayaa sheegay inay bixin doonaan faahfaahinta sida waxa u dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here