Qarax ka dhacay Masjid ku yaala Saudi Arabia oo ay ku Dhinteen 15-Qof + SAWIRRO

0
877

RIYADH, Saudi Arabia (,HargeisaPress/AP) — Qarax lala beegsaday Masaajid ku yaalla Magaalada Abha ee dalka Saudi Arabia ayaa lagu dilay 15-qof oo ay ku jiraan 10 Askari oo ka mid ah ciidamada ammaanka dalka Sucuudiga oo Salaaddii Duhurka ku tukanayay Masjidkaas.

Saudi_Majid_bombing

Masjidkan ayaa ku yaalla meel ku dhow saldhig ay leeyihiin ciidamada howlgallada deg-degga ah ee Sucuudiga. sida ay sheegeen Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga. Waxaana ku dhaawacmay Qaraxan 25-qof oo kale.

Saraakiil ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Saudi Arabia ayaa Waxay ka Gaabsadeen inay sheegaan in Qaraxaan oo ahaa is-miidaamin ay Waxyeello kasoo gaadhay saldhigga ciidamada Amniga Sucuudiga.

Qarax_Sucuudiga_Ka-Dhacay (1)

“Waxaa ku jiray Masjidka Saraakiil Tababarayaal ah oo Salaadda Dhuhurka ku Tukanayay Majidka,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sucuudiga oo diiday inuu magaciisa sheego.

Sidoo kale, Warbaahinta Saudi Arabia ayaa sheegay in Masaajidkan Maanta Qaraxa lala beegsaday ay dhistay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kaasoo ku yaalla Abha oo ku taalla Koonfur-galbeed ee Dalka Sucuudiga.

Qarax_Sucuudiga_Ka-Dhacay (2)

“Qaraxa waxaa ku Geeriyooday 15-ruux oo ay ku jiraan 10-sarkaal oo ka tirsan ciidamada gumadka deg-degga ah ee dalka Saudi Arabia,” ayaa lagu yidhi war uu baahiyay Ekhbariya TV oo ay Xukuumaddu Maamusho.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkan oo ahaa mid aad u xooggan, burbur xooggan u geystay Masjidkii lala beegsaday. laakiinse waxaa lagu eedeeyay inay Qaraxan mas’uul ka yihiin koox Islaamiyiin ah oo dhaqdhaqaaq ka wada dalkaas, kuwaas oo horay dhowr jeer u sheegtay Qaraxyo ka dhacay Saudi Arabia.

Weerarkan ayaa kusoo beegmayaa xilli Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay bishii hore ay sheegtay inay Qabqabtay 400 oo qof oo ka tirsan Kooxda Daacish, Waxayna Xustay inay dishay mid ka mid ah kooxahan oo Soomaali ahaa.

Qarax_Sucuudiga_Ka-Dhacay (3)

Dhanka kale, Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo bishii May ee Sannadkan 2015-ka Qaraxyo Is-miidaamin ahaa lala beegsaday Masaajid Shiicadu leedahay, kasoo lagu dilay 22-qof. Wuxuuna Weerarkaas ahaa kii ugu xumaa ee Kooxaha kasoo Hor-jeeda Xukuumadda Sucuudiga ay ka geystaan Waddankaas.

Ugu dambeyn, Sucuudiga ayaa wuxuu hoggaaminayaa Weerarro duqeymaha ah ee dhanka ka ah Xuuthiyiinta Shiicada ah ee ka Dagaallamaya Yemen, kuwaas oo Geystay Khasaare nafeed iyo burbur maaliyadeed oo xoog leh.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here