Kulan Laga Hadlaayey Sidii Hay’adaha Samafalku uga Qeyb Qaadan Lahaayeen Gargaarka Abaaraha Oo Saaka Ka Qabsoomay Xafiiska Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland + SAWIRRO.

0
1008

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxaa beryihii ugu  danbeeyey  qaar kamida gobolada galbeedka Somaliland  ay saamaysay abaar xoogani  ayaa waxaa dadka deegaankaasi  kasoo yeedhayey dhawaaq qeylo dhaan abaareed iyo biyo la,aan islamarkaana ku aadanaa Hay’addaha iyo Dawlada Somaliland  ayaa waxaa beryihii ugu danbeeyey socday kulamo lagu gorfaynaayey sidii looga wada qeyb qaadan lahaa mucaawino gar gaara oo la gaadhsiiyo dadkaasi dhibaataysan.

kul sayl 5

Hadaba kulan uu hogaaminaayey Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Isaamciil (Saylici) islamarkaana ay wehelinaayeen  Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo  Lataliyaha Madaxweynaha Hay’addaha Caalamigaa Cabdifataax Siciid Axmed  Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka  ayey la yeesheen   Hay’addaha Samafalka  iyadoo kulankaasi lagaga wada hadlay qorshihii  lagu  waajihi  lahaa sidii looga wada qeyb qaadan lahaa caawinta abaarahaasi.

kul sayl 8

Kulankan dhex maray Masuuliyiinta Xukuumada iyo Hay’addaha Samafalka ayaa daarnaa sidii looga jawaabi lahaa dhawaaqii abaareed ee kasoo yeedhaey deegaanada  Galbeedka Somaliland oo ay ku dhufatay Abaar  xoogani sidoo kalena ay weheliso biyo la,aan baahsani, masuuliyiinta Xukuumada  ee uu horkacaayey Madaxweyne ku xigeenku ayaa hay’adaha samafalka usoo bandhigay  doorka xukuumadu ku leedahay gargaarka deg degaa ee loo fidinaayo dadkaasi dhibaataysan sidoo kale hay’addaha looga baahan yahay  inay si deg deg ah uga qeyb qaataan gargaarkaasi.

KUL SAYL

Hay’addaha muwaanida ayaa dhankooda soo bandhigay inay si deg deg ah uga qeyb qaadan doonaan gargaarkaasi iyo mucaawinada la gaadhsiin doono  gobolada iyo degmooyinka abaaruhu saameeyeen, iyagoo kulankaasina  dhexmaray iyaga iyo xukuumadaba balan qaaday dhankooda wixii kaga soo hagaaga inay diyaar u yihiin.

KUL Syl 5

Si kastaba ha ahaatee  Abaarahani  ayaa saameeyey  qaar kamida  gobolada galbeedka Somaliland  iyadoo in badan  meelaha qaar ay ku dhinteen xoolahu halka dadka qaarnkiina u geeriyoodeen haraad biyo la,aaneed  waxaa muuqata Dedaalka Xukuumada ugu jitro gurmadka deegaanadaasi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here