Puntland: Wararkii u dambeeyey ee dagaal ka Garoowe

0
388

GAROOWE,(HargeisaPress)–Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 15 kalena waa ku dhaawacmeen iska hor imaad maanta Garoowe ku dhex maray ciidamada Puntland iyo ciidamo taabacsan mucaaradka.

Iska hor-imaadka ayaa hadda u muuqda mid sii qaboobaya waxaana rasaas goos goos ah laga maqlayaa xaafadaha qaarkood.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maanta u codeeyay wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo mucaaradka.

Labada dhinac ee dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah midna weli kama hadlin dagaalka oo socday mudda saacado ah islamarkaana ka dhacay aagag kala duwan.

Qoraal ka soo baxay Baarlamanka ayaa lagu sheegay in fadhigii maanta oo ay xaadir ahaayeen 35 xubnood ay 34 kamid ah u codeeyeen wax ka beddelka dastuurka hal mudane keliya ah ka aamusay.

Xaafadaha Magaalada Garoowe ayaa laga qaxay qaarkood gaar ahaanna aagaga uu dagaalka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here