Burco: Go’aamo Laga Soo Saaray Shir Lagu Heshiisiinayay Laba Beelood

0
339

Burco (HP): Waxaa maanta go’aamo laga soo saaray shir muddo magaaladda Burco uga socday laba beelood oo hore dhaqaaqo ugu dhexmartay deegaamadda Hawdka gobolka Togdheer.

Shirkaasi nabadaynta beelaha walaalaha ah oo muddo ka socday magaaladda Burco, waxaa ka qayb qaadanayay wasiirro ka tirsan xukuumadda JSL, xildhibaano, madax dhaqameed kala duwan, iyo waxgarad.

Beelahan la sheshiisiiyay ayaa dhawr jeer oo hore waxay shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay ugu dhexmartay deegaanka Cali-saahid, oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Waxaana shirkaasi maanta laga soo saaray go’aamo lagu soo af-jarayo beelahaasi walaalaha ah, go’aamadaasi oo ay soo saareen xubno shir-guddoon ahaa oo loo xil saaray deminta colaadaasi.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo shirkaasi nabadaynta beelaha soo xidhay ayaa kula dar-daarmay madax dhaqameedka, salaadiinta, odayaasha, iyo waxgaradka labadda beelood in ay nabadda qaataan.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in nabad-geliyadu ay tahay laf-dhabarta nolosha bulshadda, sidaas darteedna ay lagama maar-maan tahay in nabadda la ilaaliyo.

Waxa kaloo uu wasiirku sheegay in ka xukuumad ahaan ay waajib ku tahay in go’aamadda ay shir-guddoonkii shirku soo saareen sidoodda loo fuliyo, iyadoo la raacayo xeerarka nabad-geliyadda qaranka u dejisan.

Maxamed Kaahin Axmed, ayaa carrabka ku adkeeyay in cid kastoo isku dayda ama jabisa go’aamadda shaqaaqadaasi laga soo saaray in la marsiin doono ciqaabta ay mudan tahay.

Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Gudaha JSL ayaa u mahad celiyay cid kastoo ka qayb qaadatay arrintaasi, haddii ay tahay madax dhaqameedka labadda beelood ee shaqaaqadu dhexmartay, xildhibaanadda labadda gole ee Guurtidda, iyo Wakiiladda, madax dhaqaamedka kale, iyo culimaw-diinka.


Waxaanu dhamaanba dhinacyadaasi ku bogaadiyay doorka shariifka ah ee ay ka qaateen sidii la isugu soo dhawayn lahaa beelahaasi walaalaha ah ee dhaqaaqadu dhexmartay, isla markaana heshiis nabadeed loo kala dhex dhigay.

DAAWO: Khudbadda Wasiir Maxamed Kaahin:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here