Nicholas Kay Muxuu Ka Yidhi Dib u Dhaca Doorashooyinka Somaliland ?

0
778

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya danjire Nicholas Kay, ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay dib u dhaca 22-ka bilood ah ee dib loogu dhigay doorashooyinka Somaliland.

Ergayga ayaa hadalkan ku sheegay qoraal kooban oo uu shalay geliyay barta uu ku leeyahay twitterka, “Waxaan aad uga walaacsahahay talaabada 22-ka bilood dib loogu dhigay doorashooyinka Somaliland.” Ayuu yidhi, isagoo intaas raaciyay “Waxaanu ku baaqaynaa dib u eegis. Waa wakhtigii tusaale fiican loo noqon lahaa dimuqraaiyadda.”

Hadalkan ergayga ayaa ah hadalkii u horeeyay ee uu ka yidhaahdo arrimaha doorashooyinka iyo muddo kordhinta la sameeyay ee Somaliland.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here