Muxuu Daaran Yahay Safarka Saddexda Maalmood Ee Uu Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Ku Joogo Dalka Jabuuti?

0
968

Djibouti, (HargeisaPress) — Madaxweyne-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa saddexdii maalmood ee u danbeeyey ku sugan Dalka Jabuuti, halkaas oo aan la garanayn ujeedada uu u joogo.

Safarka Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo aanay warbaahintu waxba kala socon ayaa u muuqda mid shakhsi ah oo aan la xidhiidhin hawl shaqo.

Saylici ayaa la hadal hayaa in ujeedada uu Jabuuti u tagay ay tahay in uu ka soo cusboonaysiisto Baasaaboorka Dalkaas oo uu ku safro, kaasoo wakhtigiisu ka dhacayo.

Dawladda Jabuuti ayaa Somaliland ka joojisay baasaabooradda dalkeeda oo ay siin jirtay Madaxda iyo shacabka-ba, sidoo kale-na cusboonaysiinta kuwii ay hore u bixisay ee wakhtigoodu dhacay ayaa wali xaniban.

Safarka Saylici ayaa ah kii ugu horeeyey ee madaxda Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ku tagaan dalkaasi, tan iyo intii Somaliland gashay Heshiiska Dekedda Berbera, kaasoo labada dal ay ka bixiyeen aragtiyo isku lidi ah.

Lama garanayo goorta uu C/raxmaan saylici soo noqon doono, maadaama la hadal hayo in Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayaa ay u bixi doonaan safar dhinaca Imaaraatka Carabta ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here