Muuse Biixi iyo Farmaajo oo Khadka Telefoonka Ku Wadahadlay

0
921
Biixi iyo Farmaajo
Biixi iyo Farmaajo

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya.

Muuse Biixi iyo Farmaajo, ayaa la sheegay inay ka wadahadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Walaalkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaadhay ganacsatada Somaliland iyo magaalada Hargeysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Somaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here