Dowladda Ingiriiska oo Ka Hadashay Dabkii Ka Kacay Suuqa Hargeysa

0
1115

London (Hargeisa Press) – Ra’iisal Wasaaraha UK Boris Johnson, ayaa ka hadlay musiibada Dabka ee saameysay suuqii Hargeysa kaa soo dhaliyey khasaare maaliyadeed oo xoog leh.

Boris Johnson, ayaa ballan qaaday inay Somaliland siin doonaan wixii taageero ah oo ay awoodaan si ay uga soo kabato khasaaraha soo gaadhay.

“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay suuqa furan magaalada Hargeysa oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaa soo saameeyay ganacsiyo badan”ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha UK Boris Johnson.

Dhinaca kale, xoghayaha Arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss, ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ee Somaliland uu ahaa mid naxdin leh.

Liz Truss, ayaa sheegtay in dowladda UK ay la shaqayn doonto Somaliland iyo saaxiibada caalamka si ay taageero ugu raadiyaan dadkii uu khasaaruhu gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here