Itoobiya oo Wefdi Wasiiro Ah U Soo Dirtay Somaliland

0
683

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wefdi heer Wasiirro ah oo ka socda dowladda Federaalka Itoobiya, ayaa waxaa ay soo gaadheen magaalada Hargeysa, si Somaliland ula qaybsadan murugada dhibaatada Suuqa Waaheen ee gubtay.

Wefdigan ka socda dowladda Itoobiya, ayaa waxaa ay ka kooban yihiin Wasiirrada Maaliyadda iyo Gaadiidka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya.

Dowladda federaalka ee Itoobiya, ayaa waxaa ay noqonaysaa dowladdii ugu horraysay ee Somaliland u soo gurmata.

Sidoo kale, Madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa iyagu hore Somaliland ugu soo diray Gaadiid iyo Ciidamo si ay qayb uga noqdaan Daminta Dabka.

LEAVE A REPLY