Muslimiinta UK oo diiday yareynta saacadaha soonka

0
1034

London, (HargeisaPress) — Urur islaami ah oo ka mid ah ururada ugu waaweyn dalka Britain ayaa sheegaya in muslimiinta dalkaasi ay iska yareeyaan saacadaha soonka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka, oo la filaayo inay bilaabato todobaadkan.

Sheikh ka tirsan ururka ladagaallinka xagjirnimada oo lagu magacaabo Dr Usama Xasan, ayaa sheegay in soomidda qorax soobaxa illaa gabaldhaca ay dhibaato noqon karto.

Arrintaasi waxa uu sabab uga dhigay in ay adagtahay in illaa 19 saacadood ay dadka soomaan oo ay iska daayaan cunnada iyo cabitaanka.

muslim_women
muslim_women

Dr Xasan ayaa sheegaya in isbedel uu micno sameynaayo, taas oo uu ula jeedo in dadka ay afuraan ka hor inta qoraxda aysan dhicin.

Laakiin uslimiin badan oo ku nool Britain ayaa arrintaasi ka soo horjeestay, waxa ayna sheegeen inay raacayaan sida uu yahay waqtiga dalka ay ku nool yihiin.

 

BBC

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here