Murrashax Eng. Axmed Cabdi Oo Kormeer Ku Tegay Mashruuca Biyo-balaadhinta Hargaysa

0
869

Hargeysa (HP): Eng. Axmed Cabdi Ibraahim, oo kamida Murrashaxiinta Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex oo sidoo kalena kamida madaxda Ururka Injineerada Somaliland, ayaa kormeer xaqiiqo-raadin ah ku tegay mashruuca biyo-balaadhinta caasimada Hargeysa.

Gaar ahaan ceelasha iyo Berkeda Kaydka biyaha loogu talo-galay, waxaanu halkaasi ku xog-waraystay saraakiisha mashruucaasi howshiisa gacanta ku haya.

Eng. Axmed oo ah khabiir ku takhasusay howlaha biyo-gelinta, wakhti dheerna Hay’adda UNICEF iyo ururro kale oo caalami ah kala shaqeeyey mashaariic dhanka biyaha oo ay ka fuliyeen dalka, ayaa sheegay in mashruuca biyo-balaadhinta Hargeysa uu marayo marxalad yihdi-diillo fiican, isla markaana tayadiisa iyo toobayaha uu ku socdaaba ay muujinayaan rejjo wax ku ool ah.

Axmed Cabdi waxa kale oo uu taageeray qorshe ay dawladdu ku madnuucday in ceelal-biyood oo gaar loo leeyahay laga qodo agagaarka ceelalsha biyaha Magaalada looga soo qaado ee Geed-deeble iyo nawaaxigeeda, go’aankaasoo ay bishii hore soo saartay wasaaradda horumarinta Biyuhu.

“Waxaan umadda reer Somaliland Dawlad iyo shacab ku boorinayaa in mashruuca biyo-balaadhinta Hargeysa laga wada qayb-qaato, oo aynu nidhaahno daawanaayoow waa dalkaagii. waayo? waxani waa dan umaddeed, waa howl u baahan in layska kaashado”ayuu raaciyey.

Af-hayeenka Ururka xoojinta qaranimada Somaliland Axmed Cabdi Ibraahim, waxa tilmaamay “Waxaan tagnay ceelalsha Biyaha ee cusub, kuwii hore, Kaydka cusub ee la samaynayo oo aan wakaalada aad ugu amaanayo sida ay u qaabeeyeen.

Mashruucani waa mashruuc balaadhan oo howl badan u baahan, markaa shacabka waxan leeyahay waxa inoo muuqdaa waa rejjo dhow”.

 

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here