Dhismaha Jidka Ceerigaabo Oo Loo Joojiyay Sababo Amaan Darro Awgeed

0
802

Ceel-Afweyn (HP): Waxaa gebi ahaanba la joojiyaya dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo maraya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, dagaal laba beelood u dhexeeya oo halkaas ka qarxay awgeed.

Dagaal beeleedkaasi ayaana sababay in la joojiyo dhismaha jidkaasi, maadaama oo shaqaalaha ka shaqaynaya dhismaha Waddadaasi iyo qalabka lagu shaqaynaya-ba amaankoodu uu halis ku jiro.

Sidaasina waxaa shaaca ka qaaday maareeye ku-xigeenka hayโ€™adda wadooyinka Somaliland Mustafe Maxamed Qalab.

Waxaanu tilmaamay in ay si deg deg ah uga guurayaan deegaanka Fadhi-gaab Saacadaha soo socda, isla markaana ay shaqaalahoodda iyo qalabka-ba ula guuri doonaan meel kale.

Waxaanu yidhi, ย โ€œGoobtii aan ka shaqayn lahayn oo ahayd fadhi-gaab, waxaa nagu qabsaday dhawr jeer dagaal.

Waxaa laga bilaabo maanta, aan goโ€™aamiyay in aan tobanka Saacadood ee soo socda, aan ka guurro meesha la yidhaahdo Fadhi-gaab. Si deg deg ah baan uga guurayaa.

Waxaanan joojinaynaa dhismaha Waddada ka socota Fadhi-gaab iyo hareerraheedda. Waxaana taa bedelkeedda Saaydadka dhismaha ay shaqaalahayagu ka soo wadi doonaa dhinaca Gar-adagโ€.

Waxa kaloo uu sheegay maareeye ku-xigeenka hayโ€™adda waddooyinka Somaliland in aanay suurto-gal ahayn in ay ka sii shaqeeyaan deegaanka fadhi-gaab, isla markaana ay dadka deegaankaasi Rasaas ku hurgufeen shaqalaha jidkaasi dhisaya.

โ€œWaayo? Taasi waa jawaabta dadka reer Fadhi-gaab, ee aanu Waddada u dhisaynay, ee aanu Daamurka u dhigaynay, ee aanay Booyadii Daamurka dhigaysay ka shaqayn karaynin, ee Rasaasta afarta koone is kala kaayo taagay, iyagoon anaga noo jeedin, ee iyagu is dilaya.

Dad iyagii is dilaya, anagu-na Waddo u dhisi kari maynoโ€ ayuu yidhi Mustafe Maxamed Qalab, oo maanta warbaahinta kula hadlay deegaanka Fadhi-gaab.

Geesta kale maareeye ku-xigeenka hayโ€™adda waddooyinka ayaa intaas raaciyay in gobolka Sanaag intiisa kale ay wakhtigan amaan tahay, balse ay imika mushkilad cusub oo dagaal beeleed ah ka bilaabantay Fadhi-gab.

Waxaanu yidhi, โ€œWaxaanu qaranka Somaliland u sheegaynaa, in gobolka Sanaag intiisa kale amaan tahay. Balse fidnadu ay maanta ka socoto meesha la yidhaahdo Fadhi-gaabโ€.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here