Wararkii U Dambeeyay Ee Dagaal Beeleedkii Ka Dhacay Deegaanka Fadhigaab

0
3114
Fadhigaab (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya deegaanka fadhigaab ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in hada ay tagantahay xaalada deegaankaasi oo uu maanta dagaal ku dhexmaray laba beelood oo halkaasi wada dega.
Dagaalkan ayaa u dhexeeyay laba beelood oo dhowaan colaadooda la soo afjaray, kuwaas oo sanooyin badan in ka badan 10 jeer la joojiyey balse markasta dib u soo cusboonaanaysey.
Dagaalkan saaka bilaabmay ayaan ilaa hada cid bilaabashadiisa lahayd aan la xaqiijin karin iyadoo labada dhinacba sheeganaayaan in la soo weeraray.
Qof goobjeeg u ahaa dagaal beeleedkaasi ka dhacay deegaanka Fadhigaab ee gobolka Sanaag ayaa ka waramay sidii uu bilowday dagaalkaasi.
“Ma garanayo sida wax ku bilaabmeen waxaan ka warhelay rasaasta dhacaysa waxaana ku mashquulay sidii aan reerkayga uga fogayn lahaa goobta wax ka dhacayeen oo magaalada badhtankeeda ahayd” sidaa waxaa sheegtay Maryan Cabdilaahi oo halkaasi ku sugan, waxaanay intaas ku dartay in mardanbe oo ay goobta ku soo dhowaatey ay arkaysey dad wadada yaala oo aanay garanayn in ay dhinteen iyo in kale.
Dagaalkan oo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in guryo badan lagu gubey, waxaanse weli la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka jira, iyadoona la sheegay in sadex qof ay ku dhinteen dagaalkaasi halka laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa dacalada magaalada ku xayiran gaadiid badan oo u kala gooshaya Burco iyo Ceerigaabo, waxaa kale oo lagu soo waramayaa in ciidankii amaanka halkaa u joogey ay awoodooda ka farabaxsatay ayna ka mid ahaayeen gaadiidka godoonka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here