Munaasibad Lagu Taageerayay Murrashaxiinta Khadar Qoorgaab iyo Dr. Ciise Cabdiraxmaan oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
775

Hargeisa (Hargeisa Press) – Munaasibad balaadhan oo aan loo kala hadhin oo lagu taageerayay Murrashaxiinta Khadar Maxamed Maxamuud (Khadar Qoorgaab) iyo Dr Ciise Cabdiraxmaan oo u kala tartamaya doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka islamarkaana ka sharaxan xisbiga Waddani, ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

Waxaana munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay ka soo qayb galay Guddoomiyaha kumeel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Islaamaaiil Jirde, Xoghayaha xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha Ciyaaraha, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo Taageerayaasha labada Murrashax.

Murashaxiinta oo qayb ka ahaa Ololaha Murashaxiinta Xisbiga Waddani oo maanta soo gebo-gabeeyey Maalmaha ololaha saddexda Xisbi Qaran, waxa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay taageerayaashooda oo ku gaashaaman Calanka Xisbiga Waddani iyo Astaamaha Murashaxiinta.

Munaasibadan oo lagu taageerayay murashaxiinta oo ahayd mid aan loo kala hadhin waxa qayb ka ahaa taageerayaal aad tiro bada.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here