Afar Ruux Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Baydhabo

0
550

Baydhabo (HP): Afar qof ayaa la sheegay in ay ku dhibteen Qarax maanta ka dhacay magaaladda Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Ilaa todoba qof oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, kaasoo ka dhacay meel Makhaayad ah.

Taasoo ku taalla suuqa weyn ee lagu iibiyo Qaadka, halkaasoo ay ku geeriyoodeen afar ruux oo ay Haweenay ku jirtay.

Masuuliyiijta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaan weli wax war ah ka soo saarin ama aan ka hadal qaraxani.

Hase yeeshee saraakiisha arrimaha amaanka ee maamulkaasi ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaan ay ku samaynayaan goobta.

Geesta kale ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here