Milatariga Suudaan oo arrin muhiim ah ku dhawaaqi doona mardhaw

0
989

KHARTUM – Milatariga dalka Suudaan ayaa tagay waddooyinka halbawlaha ah iyo buundooyinka ku yaalla magaalada Khartuum, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa goobjooge aysan magaciisa shaacin.

Shacabka ayaa halkudhag ka dhigtay “dawladdii way dhacday” waan guulaysanay, sida uu qof goobjooge ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mudaaharaadayaasha ayaa barnaamijka Newsday ee BBC-da u sheegay in dadku ay ku damaashaadayaan waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum ee dalka Suudaan.

Arrintan ayaana imaanaysa iyadoo ay sii xoogaysanayaan wararka sheegaya in laga yaaba in milatarigu uu madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ku qasbo in uu xilka banneeyo.

Dabaabadaha milatariga Suudaan oo galay qasriga madaxweynaha

Dabaabadaha milatariga ayaa galay saldhigga ugu wayn ee ciidamada Suudaan ee ku yaalla magaalada Khartuum, arrintaasi ayaana dhacday saacadihii hore ee saaka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, iyada oo soo xiganaysa dad goobjoog ahaa.

Dhismahaas oo baaxad wayn ayaa hoy u ah wasaaradda difaaca iyo hoyga uu dagan yahay madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

La soco Wararka danbe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here