Midowga Yurub oo War Ka Soo Saaray Qaraarkii Baarlamaanka Soomaaliya Ee Mudda Kordhinta

0
519

Muqdisho (Hargeisa Press) – Dalalka Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in tallaabadii ay shalay baarlamaanka Soomaaliya muddo 2 sano ah xilka ugu kordhiyeen madaxwayne Farmaajo ay tahay mid minjaxaabinaysa dadaaladii socday ee doorashada Soomaaliya.

Bayaan uu soo saaray wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Josep Borrell ayaa lagu sheegay in tallaabada muudo kordhinta ay minjaxaabinayso taageerada Midowga Yurub iyo beesha caalamka ee dib u dhiska Soomaaliya oo ku saleysnaa is-afgarad iyo isu tanaasul.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in midowga Yurub iyo guud ahaan beesha caalamka ay ku celceliyeen in ayna aqbali doonin wax muddo kordhin ah amaba doorashooyiin is barbar socda ama hal dhinac ah.

Midowga Yurub waxay sidoo kale sheegeen in muddo kordhinta baarlamaanka ayna ku jirin danta shacabka Soomaaliya.

Wakilka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ku baaqay in wadahadalada dib loogu soo laabto lana qabto doorasho iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Ugu dambeyntii midowga Yurub ayaa waxay ka digeen in haddii ayna arrintaasi dhicin ay ka baaraandagi doonaan tallaabooyiin dheeraad ah oo ay qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here