Xisbiga Kulmiye oo Sheegay In Khaladaad Ku Jiro Xeerka Furista Ururrada

0
1198

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa xisbiyada ugu baaqay inay joojiyaan hadalada Xanafta leh, maadama buu yidhi ay hadaladaasi ay sii kala fogayn karaan Shacabka.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sidoo kale ka hadlay xeerka furista ururada siyaasada ee Baarlamanku ansixiyay, wuxuuna sheegay in xeerkaasi uu dhaqan-gelayo marka uu Madaxweynuhu saxeexo, laakiin dib loogu celin karo Golaha Wakiillada, iyaguna Kulmiye ahaan arkaan khaladaad ku jira Xeerkaasi.

Waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay Musharraxiin la xidhay, waxaanu sheegay in Xadhigga Musharraxiintu la xidhiidho dacwado ka dhexeeya iyaga iyo Musharraxiita kala sharraxan deegaankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here