Cusbitaal Cusub Oo Laga Hirgeliyay Magaaladda Ceerigaabo

0
505

Ceerigaabo (HP): Furitaan hor dhac ah ayaa maanta loo sameeyay cusbitaalka Sanaag isbiishiyaaliti (speciality) oo laga hirgelinayo magaaladda Ceerigaabo.
Hirgelinta cusbitaalkani waxaa iska kaashanaya dhaqaalaha ku baxaya shirkadda waddaniga ah ee Asli Maydi iyo haayadda doTERRA Healing Hands.
Munaasibad loo sameeyay furitaanka hor dhaca ah ee cusbitaalkani waxaa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Sanaag, maayarka degmadda Ceerigaabo, iyo mulkiilaha shirkadda Asli Maydi.


Sidoo kale waxaa munaasibada joogay saraakiil ka socday haayadda doTERRA Healing Hands, maamulka iyo shaqaalaha cusbitaalkaasi iyo masuuliyiin kale.
Cusbitaalka Sanaag isbiishiyaaliti ayaa ka kooban afar qaybood sida qaybta hooyadda iyo dhalaanka, qaybta cudurada guud iyo Wadnaha iyo qaybta shaybaadhka.
Waxaana ka hawl galla afar dhakhtar oo takhasusaadyo kala duwan oo caafimaad leh, sida uu sheegay maamulaha cusbitaalkaasi C/raxmaan Xuseen Ducaale.


Hirgelinta cusbitaalkani ayaa la rejaynayaa in ay wax badan ka daboosho heli taanka baahiyihii caafimaad ee ka jiray guud ahaanba gobolka Sanaag.

Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here