Mid ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolka sanaag oo Xukuumada Somaliland ugu Baaqay inay wax ka qabato Tabashada Maamulka looga dhawaaqay Bariga Sanaag

0
904

Mid ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolka sanaag oo Xukuumada Somaliland ugu Baaqay inay wax ka qabato Tabashada Maamulka looga dhawaaqay Bariga Sanaag

Sanaag, (HargeisaPress) — dhowaan ayay ahayd markii Maamulka looga dhawaaqay Bariga Sanaag kaasi oo looga soo horjeedo Somaliland Xili dalka laga waday abaabulka xuska munaasibada Maalinta 18ka May
Hadaba Maamulkii waqooyi bari ee dhawaan lagaga dhawaaqay bariga sanaag ayaa maanta dhoolatus iyo diyaar garow xooga badan muujay kadib markii ay heleen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka soo wajahan Somaliland
waxa ka hadlay odayaal iyo cuqaal iyagoo usoo jeediyay  Somaliland inay joojiyaan wax kastoo dhaq dhaqaaq ah oo ku saabsan deeganada bariga sanaag isla markaana aanay u dulqaadan doonin waxii ka dhacana waxa ay ku sheegeen inay ka masuul Tahay Somaliland.
Kooxdan Maamulka ku dhawaaqday oo warbaahinta kala hadlayay somaliland ayaa ka dhawaajiyay inay dadka deegaanadaasi tashadeen
Ugu danbayntii waxaa ay soo jeediyeen la ilaalinayo walaaltinimada iyo derisnimada iyadoo aanay ilaa hada Dawlada Somaliland wax jawaab ah ka bixin Maamulkaasi
 Sidoo kale siyaasiga Yoonis Hoori oo ka mid ah Siyaasiyiinta Deegaamada Bariga Sanaag ayaa Xukuumada Somaliland gaar ahaa a xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye usoo jeediyay inay si degdeg ah wax Uga qabtaan Tabashada Xubnahan ku dhawaaqay Maamulka Cusub Taasi oo uu sheegay in laga gaabiyay

warbaahinta hargeisa press

ceerigaabo office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here