Maxmed Mursal oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka

0
1187
guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

MOGADISHU —Doorasho xiiso badan oo xildhibaannadu labo wareeg oo codeyn ah mareen ayaa ugu danbeyntii waxaa ku guuleystay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Wasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa helay codad gaaraya 147, halka musharaxa Ibraahim Isaaq Yaroow uu helay 118 cod.

Horay ayeey u muuqatay doorashadan in loo siidaaliyay, iyadoo dad badan sii hadal hayen in Mursal ku soo bixin doono guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guud ahaan doorashadan waxaa ku tartamay 10 musharax oo ka tirsan xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoon wareegii labaad ay isugu soo hareen Afar Musharax, laakiin markii danbe ay tanaasuleen Labo musharax, taasoo keentay in ay isugu haraan labada musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow oo loo adkaaday 29 cod.

Sidoo kale Maxkamada sare ayaa Xussen Axmed Ceydiid ku war galisay sida ay wararkanu sheegayaan in maalinta Khaamista ah la dhaarin doono, Iyadoo Maalinta Khaamista ah ay ku buuxdo 14 cisho oo ay waajib tahay in lagu buuxiyo kuriga ka banaanada golaha wakiilada Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here