“Maxamuud Xaashi isaga ayuun baa shaqsiyan u baqday”…

0
644

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha qaban qaabadda shirweynaha xisbiga Kulmiye C/kariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa ka jawaabay eedo uu doraad xisbiga Kulmiye iyo madacweyne Biixi u jeediyay siyaasi Maxamuud Xaashi.
Waxaanu sheegay Xinif, in aanay jirin cid u diiday Maxamuud Xaashi in uu u tartamo guddoomiyenimadda xisbiga Kulmiye.
Qaadacaadiisa ay u arkaan baqdin iyo kalsooni darro uu isagu shaqsiyan qabo, isla markaana lagu xad gudbay Maxamuud Xaashi, haddii aan xeerarka xisbiga la dabaqin.


C/kariin Xinif, waxa kaloo uu sheegay in dariiq sharci ah oo waafaqsan xeerka xisbiga loo maray magacaabista guddiga qaban qaabadda shirweynaha Kulmiye.
Geesta kale guddoomiyaha guddiga qaban qaabadda shirweynaha Kulmiye waxa uu ka hadlay dooda ah in aanu madaxweynuhu xaq u lahayn in uu mar kale isku soo sharaxo guddoomiyenimadda xisbiga.

Dhegayso: Xinif Oo Arrimahaas Ka Hadlaya;


Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here