Tiir Adag Oo Ka Baxay Fanka: Fanaankii Weynaa Ee Wigic & Waayihiisii Faneed Q. 1-Aad

0
971

Gelinkii dambe ee maalinnimadii Khamiiseed, taariikhduna ahayd 16/10/2014, waxaa magaalada Hargeysa ku xijaabtay isla markaana lagu aasay Fanaankii caanka ahaa Marxuum Cabdillaahi Axmed Xirsi (Wigic) oo u geeriyooday xanuun si kediso ah ugu soo booday.

Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee, Wigic wuxuu ahaa Tiir adag oo ku jiray foolaadka Fanka. Isagoo banneeyey Kaalin cidda buuxin doonta ay su’aali ka taagantahay. Waxaanu ka mid ahaa fanaaniinta dhifta ah ee hibada gaarka ah u lahaa mawhibooyin kala duwan.

C/laahi-Wigic, wuxuu isugu jiray qaybo kala duwan oo ka mid ah Fanka. Wuxuu ahaa Abwaan, Mulaxan, Heesaa iyo weliba Jilaa. Waxaanu leeyahay qaar ka mid ah heesaha aan marnaba duugoobin, uguna caansan gayiga Somalida, sida heesta Hay Daalin iyo Dusha Gacan-libaax.

Marxuum C/laahi-Wigic oo leh taariikh-faneed aad u fac-weyn, maalin iyo labo-na aan lagaga gayoonayn, ayaan jeclaystay guud-mar kooban bal inaan ku sameeyo. Maadaama waxoogaaya aan ka bawsaday isla markaana xog-waraysi ku saabsan fankiisa aan la yeeshay sannadkii 2011.

Al-Fanaan Cabdilaahi Axmed Xirsi oo ku magac-dheer WIGIC, wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa qiyaas ahaan xilliyadii 1950-tameeyadii. Waxuuse ku barbaaray ilaa heer gaashaan-qaadna ku gaadhay magaalada Jabuuti. Waxaanay meel kusoo wada kacaameen fanaankii weynaa ee reer Jabuuti Cabdi Xamar Qoodh.

1964-kii, ayuu ka tagay Jabuuti, kuna laabtay Magaalada Hargeysa. Waxaana xusid mudan in soo laabashadiisaasi iyo bilawgii hibadiisa faneed-ba ay sabab jacayl salka ku hayeen. Maadaama midhaha heestiisii ugu horreysay kuna ballaysimay suugaantiisa uu xilligaasi curiyey.

Heestaasi oo safka hore kaga jirta heesaha Soomaalida, ayuu fanaanku ii sheegay inay ka curatay dareen culus oo kala soo darsay inan uu jeclaaday oo reer Jabuuti ahayd. Taasoo maal-qabeen ka mid ahaa Carabtii Jabuuti uu guursaday.

Jacaylkaasi daran ee calafku ka adeegay ayuu kaga soo jarmaaday dalka Jabuuti. Waxaanu yimi Hargeysa, isagoo la jirran Jacayl dartii. Markii uu ka ladi waayey jacaylkaasi hungoobay ee jilbaha dhigay, ayuu soo maaxday hibadiisii qarsoonayd, waxaanu allifay midhaha heestiisii u horreysay.

Heestaasi oo caan ah lana yidhaa HAY DAALIN, ayuu fanaanku kula hadlaayey gabadhaasi uu jeclaaday iyo sida aanu marnaba uga samrahaynin. Waxaana erayadeedii ka mid ahaa:

Dumarkaba dhammaantood

Dahabooy is-diidnee

Dugsan maayo ruux kale

Intaan dunida joogee

Hay daalin dan seegee

Ha dugsanin nabsigu

Yaanu kugu dambayn.

Dabiibtii naftaydiyo

Dawadaydibaad tahoo

Daymadaada kaliyaan

Ku il doogsanaaya.

Gugii 1964-kii ayey ahayd markii uu fanaanku curiyey midhaha heestan. Waxuuse Laxanka saaray isla markaana uu codkiisa tolmoon ku qaaday 1969-kii. Markaasi oo lagaga duubay Radio Hargeysa, isla markaana ay u muusiga u tumeen Rag uu ka mid ahaa Guroon-jire, Ismaaciil-yare iyo Cali-xamari.

 

La Soco Qayba Dambe Insha Allah…..

 

 

Qalinkii: Cabdisalaam-Abuhurayra

salaanmuctasim@hotmail.com

abuhurayra@hadhwanaag.org

Hargeisa, Somaliland.

 

LEAVE A REPLY