Maxaad Kala Socotaa Ujeedada Erdogan ugu Duuley Muqdisho?

0
889
Mohamed Hagi Mohamoud

HargeisaPress —Dhawaan ayey ahayd markii dawladda Ugandha, gaar ahaan taliskeeda ciidanku (UPDF) iclaamiyeen in ay dib u fiirinayaan sii waddida hawl-galka Military ee Soomaaliya. Arrintani waxa ay ka dambeysay markii Midawga Yurub (EU) oo gabi ahaanba bixiya lacagta AMISOM ay shaaciyeen in ay 20% jarayaan dhaqaalihii ku baxayey nabad sameynta Soomaaliya (Peace Making Force Mission).

 

Arrintan waxa aad uga xumaadey dawladda Turkey oo iyadu hawl iyo tacab badan galisay Soomaaliya, inkasta oo ay wax intaa ka badan na ay ka faa’idey. Erdogan waxa uu dhaleeceeyey jarista lacagtaa. Taa beddelkeeda na waxa laga yaabaa in uu isku dayo sidii uu u helli lahaa cid la kafaala qaada hawshan gaar ahaan waddamada Carbeed oo ay ugu horeeyaan Suadi Arabia iyo kuwa kale oo Khaliijka ka tirsani. Codsigaas se wali waxba uga ma hirgalin.

 

Haddii uu baaqan ku guulleysan waayo waxa qasab ku noqon doonta in uu lacagtaa wax ka bixiyo. Wallow dal ahaan uu maanta dhaqaalihiisu aad u ligligganayo oo uu hoos u dhac badani ku yimi. Ammuurta ugu weyn ee Muqdisho keentay waa in uu la xaallo taliska Madaxda Soomaaliya iyo (UPDF) ee baaqa fiirsiga ah soo saarey oo uu Madaxweynahoodii na muddo 3 saac ah kala hadlayey khadka telefanka ka hor intii aannu ka soo bixin Ankara. Horena uu kulan balaadhan oo heshiis weyni dhex maray ula yeeshay.

 

Waxa se arrinta cajaa’ibka ahi tahay in Museveni iyo Erdogan ay heshiis fiican ka gaadheen arrintan. Waxa uu balan-qaadey Museveni in aannu ka warwar qabin lacagta ay jareen Midawga Yurub inta badan na ay Afrikaanku xalistaan dhibtooda. Laakiin waxa uu u sheeggay Erdogan in uu aad uga warwar qabo helis la’aanta fikirka nabadda, horumarka iyo tashiga ah oo aan ka soo naaso cadeyn Soomaaliya.

 

Waxa uu u sheeggay Erdogan, ”waxa aniga warwar badan igu haya dad aan si sax ah u fikirayn, laakiin ma aha lacagta ay Yurub jartey ee 20% taa waan la tacaali karnaa”. Dalalka Turkiga iyo Ugandha waxa ay galeen heshiis aad u weyn oo sahlaya in ay ka maarmaan xataa haddii lacagta Midawga Yurub la jaro 20%. Heshiiska ay galeen waxa ugu waaweyn saddex ammuurrood:-

 

Furnaanshiyaha dalxiiska ee labada dhinac, in Visa la’aan dadka Ugandhiiska ah ee sita Baasaboorrada Dibloomaasiga ahi ku gali karaan Turkiga iyo in ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinaca dhismaha Military ga. Waxa na ay si wada-jir ah u cambaarreeyeen Qaramada Midoobay oo ay ku dhaliilleen in ay qalad tahay in shan waddan oo kaliya ay dunida inteeda kale ku amar-ku-taagleeyaan. Iyaga oo ka wada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council) oo ka kooban dalalka US, UK, France, Russia, and China.

 

Arrintani ay Soomaaliya kaga wada hadleen waxa ay naf macmal ah sii galin doontaa Soomaaliya oo ku tashatey in sidaa uun loo quudiyo, rajo na aanney ka soo jeedin sida uu Museveni sheeggay.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here