Maxaad Kala Socotaa Taariikhda Dheer Ee Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya?

0
2542

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo hakad ku jiray ayaa la filayaa in maanta dib u bilaabmaan islamarkaana madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ay ku kulmayaan dalka Jabuuti.

Somaliland ayaa tabasho ka qabtay dowladda Farmaajo, waxayna ku eedeysay inay meesha ka saartay arrimihii hore looga gudbay intii ay wadaxaajoodyadaas socdeen.

Sidaasi oo ay tahay Somaliland markasta waxa ay diyaar u ahayd in ay miiska wadahadalada soo fadhiisato, waxayna mar uun sugeysey dowlad rasmi ah oo Soomaaliya ka dhalata oo ay la xaajooto.

Somaliland ayaa loogu yeedhey marar badan in ay kasoo qeybagalaan shirarkii dib u heshiisiinta ee Soomaaliya loo qabatay, baaqyadaasi oo markasta ay diidanayd Somaliland.

Markii ugu horeysey oo lasoo hadal qaadey shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London 23-kii Feberwery, 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi kasoo baxay ayaa waxa uu dhigayay in beesha caalamka ay aqoonsato, islamarkaasina taageerto muhiimada ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan Somaliland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Dhawr bilood kadib shirkaasi ayaa waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey oo fool ka fool isu soo horfadhiistaan, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii.

Ergada Shirka uga qeybgashay Somaliland

Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur), Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.

Ergada Soomaaliya uga qeybgashay shirka.

Cabdisamad Macalin Maxamud: Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka, Axmed Xasan Gaboobe: Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, Cabdullahi Xaji Xasan Maxamed: Wasiirka Arimaha dibadda: Cabdinasir Maxamud Cabdulle Garjeex: Wasiirka Maaliyadda: Jaylani Nur Ikar: Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta.

Dhanka maamul goboleedka Puntland, waxaa lagu soo daray Wasiirka arimaha gudaha: Jen: Cabdulahi Axmed Jama(Ilka Jiir) iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Puntland Daud Maxamed Cumar, arintaas oo ay ka biyo diiday Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay in aanay wax wada hadal ah la gali doonin Soomaaliya, iyada oo qoonsatay xubnaha guddiga dowladda Soomaaliya ay u soo magacawday wada hadalka, oo ay sheegtay inay ku jiraan laba xubnood oo ka yimid maamul goboleedka Puntland.

Wasiirkii arrimaha dibedda Somaliland ee wakhtigaas, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii xilgaa Sheekh Shariif inuu carqaladeynayo wada hadalka.

Cabashadaasi Somaliland kadib waxa ay dowladda Soomaaliya ku qasbanaatay in ay ergada ka saarto xubnaha ka socdey Puntland si wadahadalada u furmaan.

Shirkii kaasi xigey waxa uu dhacay taariikhda marka ay ahayd 28-dii June, 2012 kaasi oo markii ugu horeysey ay si rasmi ah u kulmeen madaxweynayaashii Somaliland iyo Soomaaliya ee xiligaas Axmed Siilaanyo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu shirkaasi ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

13 April 2013: Xasan Sheekh Maxamuud oo Soomaaliya wakhtigaa ka ahaa madaxweyne iyo Madaxweynihii Somaliland ee wakhtigaa Axmed Siilaanyo ayaa ku kulmay dalka Turkiga, iyadoo kulanka dhex maray uu goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaarihii Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo hada ah Madaxweynaha Turkiga.

Kulankan waxaa uu ka dhacay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga, Waxaa labada wafti u kala dab qaadayey Wasiirkii arimaha dibadda Turkiga Axmed Daud Oglu.

Waxaa halkaas lagu kala saxeexday heshiis ka kooban todobo qodob oo ay ka mid ahaayeen: In la sii wado wada hadalka, in labada dhinac isla ogolaadeen heshiisyadii labadii kulan ee ka horeeyay dhacay, wada xaajoodkana uu halkooda kasii socdaan, in labada dhinac ka howla galaan in Somaliland kaalmo caalami ah hesho iyo taageero hesho, Xoojinta labada dhinac ee nabad galyada oo la wadaago xogta, tababarada iyo deeqaha, in 90 cisho gudahood la isku yimaado iyo in la fogaado hadalo waxyeeli kara wada hadalada.

Mudadii u dhaxeysey 7 illaa 9 July 2013: Labada dhinac ayaa markale ku kulmey dalka Turkiga, waxaana la saaray gudi farsamo oo wadahadalada fududeeyo, kuwaasi oo loo xilsaaray in ay kasoo shaqeeyaan sidii shir kale la’isugu iman lahaa muddo 4 bilood ah.

15 January 2014: Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka dhacay shir ay isugu yimaadeen Somaliland iyo Soomaaliya.

Ergadii Dowladda Somaliland iyo Soomaaliya ee ku wada hadlayay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxeexday is afgarad.

Inkastoo qodobada ugu muhimsan wada hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya aan laga wada hadlin ayaa waxaa heshiiskaas ka muuqday xoogaa horu mar ah marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore.

Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaadhay xukumadii dhexe ee miltariga ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare, lana cambaareeyo.

Labada wafti waxaa kala hogaaminayey Wasiiradii xiligaas ee Somaliland iyo Soomaaliya ee Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Wasiirkii Arimaha Amniga ee dowladda Soomaaliya, Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in ujeedada dowladda Soomaaliya ay ka leedahay wada hadaladan ay tahay in lagu qanciyo Somaliland ahmiyadda ay leedahay Midnimada Soomaaliya.

Wasiirkii Arimaha Dibadda Somaliland ee xiligaas Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sheegay in wada hadalo ay ku socdaan qaab wanaagsaan isla markaana aaney jirin wax ka reeban in laga wada hadlo.

April 2, 2014: Wada hadalada u dhexeeyay Somaliland iyo Somaaliya oo ku saabsanaa maareynta hawada Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, iyadoo ay wada hadaladaasi daba socdeen qodobo hore la isugu af gartay oo khuseeyay sidii loo gaadhi lahaa heshiis laba geesood ah.

Wada hadaladaasi oo u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa xiligaas kala horkacayay Wasiirada Kala ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel iyo Maxamud Cali Xaashi.

Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Jaamac Qorsheel oo ka warbixiyay wakhtigaas wadahalada ayaa sheegay in inta badan arrimaha laga wada hadlayo ay ku salaysan yihiin arrimo farsamo oo la xidhiidha sidii maamulka hawada loogu so wareejin lahaa Soomaaliya iyo in si wada jir ah looga wada sheeqeeyo maareeynta hawada Soomaaliya.

Waxaa shirkani lagu gaadhey is afgarad ah in labada dhinac ay isla maareeyaan hawada Soomaaliya oo markaasi uu socdey qorshe ah in gacanta dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo maamulkeeda.

Nov 30, 2014: Wada hadal kale ayaa dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii muddo hakad ay galeen wadahadaladaasi, Wafdiga ka socday Somaliland ayaa gaadhay Magaalada Ankara, waxaana Hogaaminaya Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland ee wakhtigaasi Maxamed Biixi Yoonis.

Wafdiga Soomaaliya ayaa waxaa Hogaaminaya wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

December 20, 2014: Shir ay ka qeybgaleen madaxweynayaashii Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey magaalada Jabuuti, waxaana lagu kala saxeexdey heshiis qeexaya in wadahadaladii hakadka galay mudada ay dib u furmaan.

Qodobadii lagu heshiiyey xiligaa waxaa ka mid ahaa

1. Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo wakhti ku jaan go’an Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn.

2. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen.

3. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal iyo dowlado saxiib ah, gaar ahaan dowladda Jabuuti haddii loo baahdo.

4. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhexmara, in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo budhcad badeedka.

In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Feberwery ee 2015.

Shuruudaha ku xidhan wadahadalka Somaaliland iyo Soomaaliya

Somaliland ayaa dhowr shuruudood ku xidhay in dib loo billaabo wadahadalka labada dhinac.

1. In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo.

2. In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan.

3. In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso.

11-kii bishan Febrwery 2020: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa.

labada hoggaamiye ayaa ku kulmay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Labada madaxweyne ayaan cadayn qodobadii ay ka wadahadleen iyadoona uu kulankoodaasi uu qaatay 40 daqiiqo ilaa hal saac.

Hadaba Somaliland iyo Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulan heer sare ah maanta uga furmo dalka Jabuuti oo wada xoojoodkoodii waayadan ba la hadal hayey uu kulan hor dhac u ahi ka furmayo dalkaas.

Wada xaajoodkan haatan ka bilaabi doona Jabuuti ee ay maanta u ambabixi doonaan labada wefti, ayaa waxa ka soo shaqeeyey danjiraha Maraykanka Soomaaliya u fadhiya. Sidoo kale waxa ku wehelin doona Madaxwenaha Jabuuti gogosha fidiyey, Ra’isal Wasaaraha Itoobiya iyo diblomaasiyiin ka socda IGAD iyo Midowga Yurub.

Labada dhinac ayaa muddooyinkii u dambeeyey midba kan kale ku eedaynayey masuuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here