Madaxweynaha Somaliland oo Hada Ka Ambabaxay Hargeysa, Kuna Wajahan Jabuuti

0
1702

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa hada ka anbabaxay garoonka diyaarada magaalada Hargeysa ee Cigaal.

Madaxweyne Biixi ayaa ku wajahan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu maanta kulamo wadahadal ah kula yeelanayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Weftiga madaxweynaha Somaliland raacay ee ku matali doona wadahadalada Soomaaliya ayaa waxaa ay ka kooban yihiin, Guddoomiyaha golaha Guurtida, Afar wasiir iyo Dr. Edna Adan Ismaaciil.

Shirka wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxaa soo agaasimay dawladdaha Mareykanka iyo Jabuuti.

Waxa iyaguna kulanka ka qayb geli doona oo lagu martiqaaday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, diblomaasiyiin ka kala socota Ingiriiska, Faransiiska iyo Jaamacadda Carabta.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here